Koox ku guuleysatay horyaal ayaa laga yaabaa in loo diido inay ka ciyaarayaan Champions League xilli ciyaareedka danbe sababo la xiriira sharci qariib ah oo ay dejisay UEFA.
Maalintii Sabtida kooxda Jagiellonia Białystok ayaa ku guuleysatay horyaalka Poland ee Polish Ekstraklasa markii ugu horeysay taariikhdooda, waxayna xaqiijisteen inay u soo baxeen isreebreebka Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda.
Białystok ayaa 3-0 ku garaacday Warta Poznan maalintii ugu danbeysay xilli ciyaareedka, waxayna 63 dhibcood la wadaageen kooxda Śląsk Wrocław. Białystok ayaa koobka horyaalka loo caleemo saaray madaama farqiga goolasha ay ka fiicnaayeen Wroclaw.
Nasiibdarro ka qeyb qaadashadooda Champions League ayaa ku xirnaan doonta inay helaan garoon aan aheyn garoonkooda oo ay ku ciyaaraan.
Sababtoo ah garoonkooda oo qaada 22 kun taageerayaal ma ahan mid ay UEFA aqbaleyso in lagu ciyaaro tartamada Yurub madaama aysan jirin garoon diyaaradeed oo ku yaala meel 200km u jirta.
Sharciga UEFA ayaa dhigaya in garoonka kooxaha ka qeyb galaya tartamada Yurub inay qasab tahay inuu ku yaala goob u dhow garoon diyaaradeed. Waa in garoonka diyaaradeed uu ugu badnaan u jiro garoonkooda 200km.
Garoonka diyaaradeed ee u dhow garoonka kooxda Bialstok waa garoonka Warsaw Chopin Airport kaasoo 210km ka fog garoonkooda Białystok City Stadium.
Ilaa inay UEFA u aragto xaalad gaar ah mooyee, kooxda ayaa ku qasban inay ku ciyaarto garoonka kale ama isaga harto tartanka Champions League xilli ciyaareedka soo socda.