Xiddiga Real Madrid ee ka fadhiisanaya kubadda cagta ee Toni Kroos ayaa magacaabay afarta ciyaartoy ee ugu fiicnaa ee ay wadaageen qolka labbiska intii uu ku jiray kubadda cagta, waxaana uu u qaybiyey Bayern Munich iyo Real Madrid inkasta oo uu u kala badiyey.
Toni Kroos ayaa Salaasadii si lama filaan ah ugu dhawaaqay inuu ka fadhiisanayo kubadda cagta xagaagan, isla markaana kusoo gunaanadayo waayihiisa Real Madrid ciyaarta finalka Champions League ee Borussia Dortmund ee June 1, halka ciyaaraha caalamiga ahna uu kusoo xidhi doono tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024.
Khabiirkan oo sannadkii 2021 ka fadhiistay ciyaaraha caalamiga ah ayaa bishii February ogolaaday inuu dib ugu soo laabto dalkiisa oo uu u ciyaaro tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee uu dalkiisu martigelinayo, waxaana go’aankiisa soo laabashadu uu ku yimid wada-hadal dhax maray Julian Nagelsmann.
Waqtigiisii ciyaartoynimo, waxa uu Toni Kroos kusoo qaatay Bayern Munich oo uu kulliyaddeeda kasoo baxay iyo Real Madrid oo uu toban sannadood u ciyaarayey, halka xulka qarankiisa uu kula guuleystay Koobka Adduunka sannadkii 2014.
34 jirkan oo soo gunaanadaya 17 sannadood oo uu ahaa xirfadle kubadda cagta ah, ayaa waxa la weydiiyey ciyaartoydii ugu wanaagsanaa ee ay qolka labbiska wadaageen, waxaana uu ku jawaabay: “Xirfaddayda ayaa isoo tustay ciyaartooyo qayru-caadi ah, kuwaas oo aanu isku koox ahayn amaba xafiiltannay, sidaa daraadeed way adag tahay inaan tiro yar soo doorto.
“Haddii ay qasab noqoto inaan doorto, waxa aan xulanayaa afartan: Gool, Manuel Neuer oo aanu marna isku koox ahayn marna iska soo horjeednay.
“Difaaca ugu wanaagsan: Sergio Ramos. Khadka dhexe: Luka Modric iyo weerarka, way iska caddahay waana Cristiano Ronaldo.”