Mauricio Pochettino ayaa labo isbuuc ka dib ku soo laaban doona Stamford Bridge/
Blues ayaa si lama filaan ah xalay oo Talaado aheyd u shaacisay in tababaraha reer Argentina uu kooxda ka tagayo.
Taageerayaasha Chelsea ayaa ogaaday arin wajigabax abuuri doonta ka dib ceyrintii Pochettino.
Sababtoo ah tababaraha reer Argentina waxa uu macalin u noqon doona shaxda adduunka ee World XI ciyaarta dabarucaada ah ee Soccer Aid ee bisha soo socota ka dhaceysa garoonka Stamford Bridge.
Waxa uu ka horimaan doonaa koox ka kooban xiddigihii hor ee xulka England oo uu tababare u yahay halyeeyga Chelsea Frank Lampard.
Taasoo la micno ah in labo tababare oo la ceyriyay kooxda inay dib ugu soo laaban doonaan Stamford Bridge 9ka bisha Juun kulan lacag loogu uruurinayo hay’ada Qaramada Midoobay ee UNICEF.
Halyeey kale oo Chelsea ah Eden Hazard ayaa ciyaari doona kulanka Stamford Bridge isagoo ka hoos ciyaari doona tababarihii la ceyriyay ee Pochettino.
Taageerayaasha ayaana u arkay waqti xun in la ceyriyo Pochettino isagoo Stamford Bridge u imaanaya habeen baashaal iyo farxad ah labo isbuuc ka dib.