Daafaca Niklas Sule ayaa naaxay labo isbuuc ka hor finalka Champions League ee ay Borussia Dortmund la ciyaareyso Real Madrid.
Finalka ayaa ka dhici doona magaalada London gaar ahaan garoonka Wembley 1da bisha Juun.
Iyadoo finalka ay ka harsan tahay labo isbuuc, waxaa baraha bulshada ku faafay sawiro laga qaaday daafaca Dortmund Sule oo tababarka ka qeyb qaadanaya.
Daafaca ayaa u muuqda mid naaxay oo aad u buuran isagoo tababar la qaatay asxaabtisa Dortmund ka hor finalka Champions League.
Ciyaaryahankii hore Jarmalka Marks Babbel ayaa dhaleeceeyay Sule.
Wuxuu ku yiri Sport1: “Sule waa ciyaaryahan fiican laakiin ma ahan mid aad u fiican. Waxa uu dhibaato ku qabaa dhanka dishibiliinka. Marka aad seddex ama afar kiilo dheeri ah sidato, waxaa laga dareemayaa heerka ciyaartaada.
“Waxa cunaa Pizza lix jeer isbuucii, halka Kebab xun sideed jeer isbuucii. Taasi ma ahan wax shaqeynaya.
“Micnaheedu ma ahan inuusan cunin cuntooyinkaas, oo mararka qaar in nafta la abaalmariyo waa loo baahan yahay. Laakiin ma ahan inaad maalin walba cunto.”
Tan iyo markii uu ku biiray kooxda 2022kii, Sule ayaa saftay 72 kulan. Ka hor Dortmund, wuxuu daafaca u soo ciyaaray kooxaha Bayern Munich iyo Hoffenheim.
Dortmund ayaa ciyaareysa finalkoodii ugu horeysay ee Champions League ee tan iyo 2013kii markaasoo ay koobka ka qaaday kooxda ay xafiiltamaan ee Bayern Munich.