Inkastoo aan looga soo yeerin xulka France ee ciyaaraha Qaramada Yurub hadana Michael Olise wuxuu u dheeli karaa seddex wadan kale.
22 jirkaan ayaa wacdarro ka dhigay Premier League xilli ciyaareedkan isagoo dhaliyay 10 gool islamarkaana caawiye ka noqday shan kale kaliya 18 kulan uu u saftay Crystal Palace.
Madaama uu qaab ciyaareed fiican ku jiro, waxaa la filayay in Olise uu u ciyaarayo France koobka Euro 2024 ee ka dhacaya Jarmalka xagaagan.
Laakiin tababare Didier Deschamps ayaa iska indhotiray xiddiga garabka ka ciyaara isagoo ka doortay Kingsley Coman, Bradley Barcola, Marcus Thuram iyo Ousmane Dembele.
Waxay aheyd go’aan si weyn looga dooday baraha bulshada, laakiin xulalka Nigeria, Algeria iyo England ayaa ka faa’ideysan kara inay u soo yeertaan xiddigaan si uu isaga ilaawo France.
Olise oo u ciyaaray xulka France ee U18 iyo U21 ayaa sidoo kale u dheeli kara England, Nigeria iyo Algeria. Waxa uu ku dhashay magaalada London ee caasimada Ingariiska waxaa iska dhalay aabe Nigeria u dhashay iyo hooyo ay iska dhaleen Faransiis iyo Aljeeriyaan.
Tababaraha xulka England Gareth Southgate ayaa isku dayay inuu xiddiga Crystal Palace ku qanciyo inuu xul bedesho 2022kii sida ay qortay Daily Mail.
FA-ga ayaa markaas xitaa wadahadal la yeeshay ciyaaryahanka laakiin waxa uu waqtigaas u janjeeray inuu sii joogo France.
Balse madaama haatan aan looga soo yeerin xulka France waxaa macquul ah in England ay fursad u hesho inay xiddigaan u qalqaaliso inuu dhankooda u soo wareego.