Xulalka qaramada Yurub ayay ee ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Yurub ee Euro 2024 ayaa qaarkood ay shaaciyeen liiska ciyaartoydooda, laakiin waxa la sugayaa oo aan wali soo saarin tababaraha xulka England ee Gareth Southgate iyo dhawr dal oo kale oo waaweyn oo indhaha lagu hayo.
Gareth Southgate ayaa laga doonayaa in uu soo xusho 26 ciyaartoy iyadoo UEFA ay saddex laacib ku kordhisay tiradii hore loogu ogolaa xulalka oo ahaan jirtay 23 ciyaarto.
Goolhayaha koowaad ee xulka qaranka England ayaa la filayaa in uu xajisan doono Jordan Pickford, laakiin waxa la kala saari doonaa Jack Butland, James Trafford, Nick Pope, Aaron Ramsdale iyo Jordan Henderson.
Dhaawacyo ayaa kala daadinaya qorshaha Gareth Southgate ee xulka qaranka REngland, waxaana wali aan taam buuxa noqnin Reece James inkasta oo uu kusoo laabtay kooxdiisa oo laba ciyaarood uu dheelay isla markaana casaan iyo ganaax la isku raaciyey usbuucan. Waxa kale oo dhaawacyo ah Ben Chilwell, Luke Shaw, Harry Maguire iyo Levy Colwill oodhamaantood u dagaallami doona inay taam noqdaan.
Khadka dhexe ayaa la filayaa in ay ka maqnaan doonaan Kalvin Phillips iyo Jordan Henderson oo ay beddeli doonaan Kobbie Mainoo iyo Adam Wharton oo ay u noqon doonto markii koowaad ee ay xulkooda u dheelaan tartan.
Sidoo kale, Cole Palmer ayaa la isku raacsan yahay in aanu booskiisu gorgortan geli doonin, waxaase iyagana ay adag tahay in indhaha laga laliyo Anthony Gordon, Jarrod Bowen, Eberechi Eze iyo Ollie Watkins.
Goorma ayaa la shaacin doonaa xulka qaranka England?
Maalinta Salaasada ah ee May 21, marka ay saacaddu tahay 1pm BST ayaa lagu dhawaaqi doonaa xulka qaranka England. Gareth Southgate ayaa shir jaraa’id oo uu qaban doono kaga dhawaaqi doona liiska ciyaartoydiisa, sidoo kalena waxa uu sharrixi doonaa ciyaartoyda uu ka tegay sababta uu usoo qaadan waayey.