Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa dooratay saddex tababare oo ay midkood ku beddelayso Xavi Hernandez oo dhowaan ka laabtay go’aankiisii ahaa inuu ka tago kooxdiisa marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan, kaas oo toddobaadyo ka hor xaqiijiyey inuu sii joogi doono.
Bishii January ayuu Xavi Hernandez shaaciyey inuu ka tegayo kooxdiisa Barcelona, waxaanu go’aankiisa ku sababeeyey in ay ku jirto danta kooxda oo xilli-ciyaareedkan aan wax koob ah ku guuleysanin.
Inkasta oo Xavi Hernandez uu dhowaan sheegay inuu ka laabtay go’aankiisa oo uu sii joogi doono, haddana wargeyska AS ayaa sheegay in madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta uu xushay saddex tababare oo uu midkood ka dhiganayo beddelka Xavi.
Wargeysku ma sheegin waqtiga ay Barcelona eryi doonto Xavi Hernandez, hase yeeshee warka uu sheegay in uu Laporta la hadlay Rafa Marquez, Hansi Flick iyo Sergio Concecao oo midkood ay magacaabi doonaan.
Barcelona waxa xilli-ciyaareedkani uu u ahaa mid adag oo aanay ku guuleysanin wax koobab ah, waxaanay horyaalka LaLiga ee ay xilli-ciyaareedkii hore ku guuleysteen ka qaadday Real Madrid, halka Spanish Super Cup ay finalkii goolal badan ku bahdishay Real Madrid, sidoo kalena Copa del Rey iyo Champions League waqti hore laga cidhib-tiray.