Weeraryahanka reer England ee Harry Kane ayaa magacaabay xiddig ay u wada dheelaan xulka qaranka Ingiriiska oo la xaqiro isla markaana aan la siinin qiimayntii uu ku lahaa garoomada dhaxdooda, sidoo kalena shaqada fiican ee uu qabto aanu ku helin ammaantii uu u qalmayey.
Harry Kane oo xilli-ciyaareed aad u wanaagsan oo aan koobab lahayn ku qaadanaya Bayern Munich oo uu xagaagii uga soo wareegay Tottenham, ayaa waxa uu sheegay in uu jiro xiddig la xaqiro oo waqtigiisa usoo huray Liverpool oo uu waqti dheer kusoo qaatay, kaas oo xagaagii hore soo afjaray waayihiisii Anfield.
Harry Kane oo 44 gool u dhaliyey Bayern Munich, sidoo kalena caawiyey 12 gool, ayaa la weydiiyey ciyaartoy uu is leeyahay ma aanu helin qiimayntii uu mudnaa, waxaana uu markiiba lasoo booday kabtankii hore ee Liverpool ee Jordan Henderson oo muddo 10 sannadood ah u ciyaaray Liverpool.
Sannadkii 2015 ayaa Jordan Henderson uu kabtannimada Liverpool ka dhaxlay Steven Gerrard oo waqtigaas ka tegay, waxaana uu noqday kabtanka ugu guulaha badan Reds, isaga oo la qaaday Champions League, Premier League, UEFA Super Cup, FIFA Club World Cup, FA Cup, Carabao Cup iyo FA Community Shield.
33 jirkan ayaa xagaagii hore waxa uu tegay kooxda Sucuudiga ee Al-Ettifaq, balse bishii January ayuu dib uga soo laabtay oo uu heshiis u saxeexay Ajax.