Tababaraha xulka qaranka Netherlands ee Ronald Koeman ayaa magacaabay liiska hordhaca ah ee xulka qarankiisa ee ka qayb-geli doona tartanka qaramada Yurub ee Euro 2024 ee ka dhici doona waddanka Germany.
Ronald Koeman ayaa liiskiisa ka reebtay difaaca Arsenal ee sannadka dhaawaca u jiifay ee Jurrien Timber oo toddobaadyo ka hor kusoo laabtay tababarka laakiin xilli-ciyaareedka oo dhan u jiifay dhaawac.
22 jirkan oo 15 ciyaarood u saftay xulka qarankiisa, ayaa waxa booska kala baxay difaaca Chelsea ee Ian Maatsen ee hadda amaahda ugu maqan Borussia Dortmund oo uu ka caawiyey inay timaaddo finalka Champions League.
Xulka Netherlands ayuu tababare Ronald Koeman fursad u haystaa inuu isbeddel ku sameeyo illaa laga gaadhayo June 7 oo ah waqtiga kama dambaysta ah ee xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA loo gudbinayo liiska kama dambaysta ah.
30 ciyaartoy oo ah liiska hordhaca ah ee uu tababare Ronald Koeman soo saaray, ayaa waxa ku jira Mark Flekken, Micky van de Ven, Virgil van Dijk, Nathan Ake, Cody Gakpo, Bart Verbuggen iyo Ryan Granveberg oo dhamaantood ka ciyaara horyaalka Premier League.
Arrinta layaabka leh ayaa waxa ay tahay in liiskan uu ka maqan yahay weeraryahanka Bologna ee Joshua Zirkzee oo ka mid ah dhaliyeyaasha ugu fiican waqtigan.
Halkan kaga bogo liiska hordhaca ah ee xiddigaha xulka qaranka Netherlands
Goolhayeyaal: Bijlow, Flekken, Olij, Verbruggen
Difaacyahanno: Ake, Blind, Van Dijk, Dumfries, Frimpong, Geertruida, De Ligt, Maatsen, Van de Ven, De Vrij
Khadka Dhexe: Gravenberch, De Jong, Koopmeiners, Reijnders, De Roon, Schouten, Simons, Timber, Veerman, Wijnaldum
Weeraryahanno: Bergwijn, Brobbey, Depay, Gakpo, Malen, Weghorst