Mesut Ozil ayaa ballan-qaad cajiib ah u sameeyey taageereyaasha kooxda kubadda cagta Tottenham haddii ay caawa kooxdoodu ka badiso amaba barbarro ku qabtaan Manchester City.
Tottenham oo garoonkeeda ku qaabbilaysa Manchester City ayay indhaha adduunyada oo dhan hayaan, maadaama horyaalka Premier League toddobaadka dambe lasoo gabogabayn doono.
Arsenal ayaa ku ducaysanaysa in Tottenham oo ay colaad guun ah ka dhaxayso ay ka qabato Man City si ay ugu guuleysan karaan horyaalka Premier League oo ay ugu dambaysay sannadkii 2004, balse haddii ay City soo dhaafto Spurs, waxa horyaalka lagu go’aamin doonaa kulamada Axadda.
Ozil oo usoo ciyaaray Arsenal intii u dhaxaysay 2013 illaa 2021, ayaa waxa uu caawa hor fadhiisan doonaa telefishanka si uu u daawado ciyaarta Manchester City iyo Tottenham, waxaana uu ballan-qaad ugu sameeyey Spurs in aanu waligii wax kaga sheegi doonin baraha bulshada oo aanu ka maadsan doonin, haddii ay caawa qabtaan Manchester City.
Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ayuu ku yidhi: “Markii ugu horreysay caawa, waxa aan taageerayaa oo aan hore u socda leeyahay Tottenham!! Haddii Tottenham ay guul-darraysan weydo ciyaartan, waligay mar dambe kuma maadsan dooni… Waa ballan.”