Xulka qaranka Germany ayaa lagu dhawaaqi doonaa maalinta Khamiista ee foodda inagu soo haysa, waxaana ka maqnaan doona laba ruug-caddaa oo aan qayb ka noqon doonin xiddigaha ka qayb-gelaya tartanka Qaramada Yurub ee EURO 2024.
Jarmalka ayaa martigelinaya tartanka qaramada Yurub ee sannadkan oo bilaabmi doona badhtamaha bisha June, waxaana ay ka mid yihiin waddamada loo saadaalinayo kaddib 10 sannadood oo ay ku jireen xaalad niyad-jab ah.
Sannadkii 2014 oo ay ku guuleysteen Koobkii Adduunka ee lagu qabtay Brazil, ayaa ugu dambaysay Jarmalka inay wax koob ah ku guuleystaan, balse martigelintooda ayaa la filayaa inay ka caawiso inay la tartamaan waddamada la saadaalinayo sida England iyo France.
Tababare Julian Nagelsmann ayaa maalinta Khamiista shaacin doona 26 ciyaartoy oo xulka qarankiisu ka koobnaan doono, laakiin wargeyska Bild ee kasoo baxa waddanka Germany ayaa sheegay in difaaca Borussia Dortmund ee Mats Hummels oo 35 jir ah aanu ka mid noqon doonin liiska xulka Germany.
Hummels oo kooxdiisu ay 1da June finalka Champions League la ciyaari doono, ayaa waxa uu ka mid ahaa xulkii Germany ee sannadkii 2014 ku guuleystay Koobka Adduunka.
Waxa sidoo kale, xulka Germany laga reebi doonaa khadka dhexe ee Bayern Munich ee Leon Goretzka oo 29 jir ah, hase yeeshee goolhaye Manuel Neuer, Jonathan Tah, Nico Schlotterbech iyo Aleksandar Pavlovic ayaa lasii xaqiijiyey inay liiska ku jiri doonaan.