Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa lagu eedeeyey inuu cay iyo aflagaaddo weyn u geystay ciyaartoyda kooxdiisa Manchester United kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Arsenal ay 1-0 kaga adkaatay, sida uu sheegay halyeyga Red Devils ee Wayne Rooney.
Manchester United ayaa guul-darrada Arsenal waxa uga horreeyey xasuuq 4-0 ah oo ay kala soo kulmeen Crystal Palace, waxaana ay macasalaameeyeen kaalinta toddobaad oo ay usii dhaafeen booska siddeedaad.
Kaddib natiijadii niyad-jabka ahayd ee ay kala kulmeen Arsenal, ayaa ammaan u jeediyey ciyaartoydiisa, waxaana uu sheegay inay horumar badan ka sameeyeen ciyaarta marka loo eego kulankii Crystal Paalce.
Hadalkan kaddib, Wayne Rooney ayaa tababare Erik ten Hag canaan kula dul-dhacay, waxaana uu xasuusiyey in kooxdiisu ay 32 dhibcood ka dambayso Arsenal oo Old Trafford ku garaacday, sidoo kalena ay ku jiraan kaalinta siddeedaad.
Waxa uu kabtankan hore ee xulka England uu saluugay sida uu Ten Hag uga hadlay guul-darrada ee halkii uu ka murugoon lahaa uu ammaanayo ciyaartoydiisa, taas oo uu ku sheegay inay tahay aflagaaddo weyn oo uu kula kacayo ciyaartoyda.