Difaacii hore ee Manchester United ee Nemanja Vidic ayaa ammaan ugu qubeeyey laba ciyaartoy oo Arsenal ah ka hor kulanka Gunners iyo Red Devils ee maanta.
Manchester United oo maanta garoonkeeda Old Trafford ku martigelinaysa Arsenal, ayaa waxa ay u dagaallamaysaa inay guul ka keento ciyaartan si ay mar kale hoggaanka ugala wareegto Manchester City oo shalay laba dhibcood dhaaftay.
Nemanja Vidic oo warbaahinta la hadlay ka hor ciyaartan, ayaa waxa uu sheegay in sirta guulaha Arsenal ee xilli-ciyaareedkan ay yihiin labada difaac dhexe ee William Saliba iyo Gabriel Magalhaes oo 17 ciyaarood oo Premier League ah aan wax goolal ah laga dhalinin xilli-ciyaareedkan.
Vidic oo shan horyaal oo Premier League ah kula guuleystay horyaalka Premier League, ayaa yidhi: “Anigu waxa aan jecelahay in aan ka hadlo difaacyahannada da’da yar, sida Micky van de Ven oo ah ciyaartoy xooggan, dheereeya oo ku wanaagsan kubbadaha sare, isla markaana horumar dhab ah samaynaya.
“Laakiin labada Arsenal ee William Saliba iyo Gabriel Magalhaes shaqo fiican ayay samaynayaan. Marka aan daawado, waxa aan dareemaa in ay jecel yihiin difaacista iyo in shabaqoodu uu nadiif ahaado. Waan jecelahay maskaxda ay muujiyaan.”