Tobanka tababare ee ugu guulaha badan tartanka Champions League ayaa la magacaabay, waxaana figta sare fadhiya tababare Carlo Ancelotti oo ku sigaya in markii shanaad la caleemo-saaro.
Real Madrid oo usoo gudubtay finalka Champions League oo bisha dambe ee June la ciyaari doonta Borussia Dortmund, ayaa haddii uu Carlo Ancelotti ku guuleysto waxa uu gaadhi doonaa meel ay adag tahay inay hiigsadaan macallimiinta kale ee reer Yurub.
Afar Champions League oo uu min laba u qaaday Real Madrid iyo AC Milan ayaa uu haystaa Carlo Ancelotti, waxaana rikoodhkiisa goolasha lagu sheegay 64% marka ay kooxdiisu timaaddo finalada.
Waxa kaalinta la aad ku wada jira Pep Guardiola iyo Zinedine Zidane oo min saddex Champions League ku guuleystay, waxaana sida muuqata uu Carlo Acelotti haystaa fursad uu kaga sii baxsan karayo macallimiintan aadka uga da’da yar ee kusoo dhow.
Saddex tababare oo laba ka mid ah ay hawlgab ka noqdeen kubadda cagta ayaa min laba jeer ku guuleystay tartanka Champions League, waana Sir Alex Ferguson oo labada koob u qaaday Manchester United iyo khabiirka reer Germany ee Jupp Heynckes oo Real Madrid iyo Bayern Munich u qaaday min hal Champions League.
Qiimayntan oo lagu soo xulay tobanka tababare ee ugu guulaha badan, waxa lagu eegay tirada kulamada ay macallimiintani guulaha kasoo hooyeen oo lagu salleeyey xisaab boqollay ah iyo koobabka ay qaadeen.
Tobanka tababare ee ugu guulaha badan tartanka Champions League | |||
---|---|---|---|
No. | Tababaraha | Boqollayda guusha (%) | Koobabka UEFA Champions League ee uu ku guuleystay |
1. | Carlo Ancelotti | 58 | 4 |
2. | Pep Guardiola | 64 | 3 |
3. | Zinedine Zidane | 60 | 3 |
4. | Jose Mourinho | 56 | 2 |
5. | Jupp Heynckes | 70 | 2 |
6. | Sir Alex Ferguson | 54 | 2 |
7. | Luis Enrique | 64 | 1 |
8. | Louis Van Gaal | 60 | 1 |
9. | Jurgen Klopp | 57 | 1 |
10. | Rafa Benitez | 57 | 1 |