Khabiirka BBC Sport Chris Sutton ayaa saadaaliyay kulamada isbuucaan ee Premier League isagoo bixiyay saadaalin kala duwan oo ka careysiin doonta kooxaha qaar ee waa weyn.
Kulanka ugu adag todobaadkan horyaalka Premier League wuxuu Old Trafford ku dhexmarayaa Axada kooxaha Man United iyo Arsenal, iyadoo Gunners ay tartan ugu jirto hanashada Premier League.
Chris Sutton ayaa aaminsan in Manchester United gurigeeda lagu jiid-jiidi doono isagoo saadaaliyay in Arsenal ay 5-1 ku xasuuqi doonto Shayaadiinta Cas Cas kuwaasoo guuldarro 4-0 kala kulmay Crystal Palace Isniintii la soo dhaafay.
Manchester City oo ciyaareysa Sabtida ayuu Chris Sutton saadaaliyay inay guul raaxo leh ka gaari doonto kooxda Fulham oo marti loo yahay. Wuxuu saadaaliyay in kooxda Pep Guardiola ay ku badin doonto 3-1.
Kooxda kaalinta seddexaad ee Liverpool ayaa dheeli doonta habeenka Isniinta iyagoo safraya kooxda Aston Villa oo rajo fiican ka qabta inay u soo baxdo Champions League. Sutton wuxuu saadaaliyay in labada kooxood ay ku kala bixi doonaan barbaro 2-2 ah.
Wuxuu Chris Sutton sidoo kale barbaro u saadaaliyay Chelsea oo u safreysa Sabtida kooxda Nottingham Forest, isagoo saadaaliyay in ciyaartaan ay ku dhamaan doonto barbaro 1-1 ah.
SAADAASHA CHRIS SUTTON EE KULAMADA PREMIER LEAGUE EE TODOBAADKAN:
SABTI, 11 MAY | |||
Fulham v Man City | 1-3 | ||
Bournemouth v Brentford | 1-1 | ||
Everton v Sheff Utd | 2-0 | ||
Newcastle v Brighton | 3-1 | ||
Tottenham v Burnley | 3-1 | ||
West Ham v Luton | 2-1 | ||
Wolves v Crystal Palace | 1-2 | ||
Nott’m Forest v Chelsea | 1-1 | ||
AXAD, 12 MAY | |||
Man Utd v Arsenal | 1-5 | ||
ISNIIN, 13 MAY | |||
Aston Villa v Liverpool | 2-2 |