Wargeyska Ingariiska ee The Sun ayaa qoray in tababare Erik ten Hag uu dalbaday in ciyaartoyda dhaawacan ee kooxda inay xanuunka ku ciyaaraan si ay uga hortagaan xasuuq ka soo gaara Arsenal.
Tababaraha Manchester United ayaa tababarka dib ugu soo dhaweeyay Marcus Rashford ka hor kulanka Axada ee la leeyihiin kooxda hamiga ka leh horyaalka.
Erik ten Hag ayaa ka dalbaday ciyaartoyda Man United ee dhaawacan inay u tartamaan inay ku soo bilowdaan shaxda kooxda kulanka Arsenal ilaa iyo inuu dhaawacooda halis yahay mooyee.
Red Devils ayaa xasuuq 4-0 kala kulantay Crystal Palace Isniintii, waxayna haatan wajahayeen kooxda horyaalka u tartameysa ee Arsenal oo ah kooxda goolasha ugu badan dhalisay xilli ciyaareedkan iyagoo dhaliyay 88 gool.
Man United waxay wajahday 64 dhaawacyo kala duwan iyo xumad xilli ciyaareedkan.
Xitaa Bruno Fernandes ayaa kulankiisii ugu horeysay dhaawac ku seegay kulankii Palace.
Ten Hag aya war wanaagsan ka helay xiddigaha Marcus Rashford iyo daafaca Lisandero Martinez kuwaasoo tababarka ku soo laabanaya.
Laakiin Harry Maguire, Raphael Varane, Victor Lindelof, Luke Shaw, Willy Kambwala, Tyrell Malacia, Scott McTominay iyo Anthony Martial ayaa la filayaa inay dhaawac ku maqnaan doonaan.
Man United ayaa ku jirta kaalinta 8aad ee Premier League, iyadoo hamigooda ugu fiican ee u soo bixitaanka tartamada Yurub ay tahay inay finalka FA Cup garaacaan kooxda Manchester City.