Kooxda kubadda cagta Bayer Leverkusen ayaa laba gool dhaliyey waqti dambe, si ay uga adkaato AS Roma oo laba gool oo rikoodheyaal ahaa kala hormartay, waxaanay Leverkusen usoo gudubtay finalka tartanka Europa League oo ay kula ballansan Atalanta oo iyaduna 3-0 ku xasuuqday
Leverkusen oo u muuqanaysay in laga badinayo, laakiin usoo baxaysa finalka, ayaa waxa daqiiqaddii 90+7aad oo ahayd daqiiqaddii ugu dambaysay waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta gool qurux badan u dhaliyey Jasip Stanisic oo kubbad uu garabka midig kala soo galay ku dhamaystiray lugta bidix.
Roma ayaa laba rikoodhe oo loo dhigay daqiiqadihii 43aad iyo 66aad waxa u dhaliyey Leandro Paredes, hase yeeshee Bayer Leverkusen ayaa diidday in ay is-dhiibto oo ciyaartu ay gaadho in waqti dheeraad ah lagu daro, maadaama ciyaartoodii hore ay 2-0 kusoo adkaatay, waxaanay dhamaadkii u dagaallameen inay ka daba yimaaddaan AS Roma.
Daqiiqaddii 82aad ayaa kubbad kusii dhacday dhacday Mancini, waxa ay ugu dabbaal-dageen goolkooda koowaad oo ku yimid koorne ay kasoo tuurteen dhinaca midig.
Iyadoo dhamaadka ciyaarta la isku diyaarinayo oo ay Leverkusen kusoo baxayso kulankii hore ee ay soo shaqaysatay, ayaa waxa ay soo qaadeen weerar rogaal-celis ah, waxaana garabka midig Granit Xhaka kubadda ugu tuuray Stansic oo isaguna lasoo galay xerada ganaaxa isla markaana darbad lugta bidix uu u adeegsaday ciyaarta kaga dhigay 2-2.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Bayer Leverkusen ay kusoo baxday 4-2 oo ay finalka oo lagu dheeli doono Dublin ay la ciyaari doonto Atalanta oo iyaduna 3-0 ku khaarajisay Marseille oo lugtii horena ay kusoo kala baxeen barbarro 1-1 ah, taas oo ka dhigan in Atalanta ay kusoo gudubtay 4-1.
Rikoodhka aan hore loo arag ee la diiwaangeliyey ayaa waxa uu yahay in Bayer Leverkusen ay noqotay kooxdii ugu horreysay taariikhda ee 49 ciyaarood oo xidhiidh ah aan laga badinin, waxaanay jabiyeen rikoodhkii Benfica oo ahaa 48 ciyaarood oo guul-darro la’aan ah.