Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo sheegay war ka nixiyey oo ah in aaanay illaa qaybta hore ee xilli-ciyaareedka dambe heli doonin xiddiga ay sida weyn ugu jabeen ee Gavi oo dhaawac kaga maqnaa xilli-ciyaareedkan oo dhan.
Laacibkan kasoo baxay kulliyadda Barcelona ee La Masia ayaa jilibka ka jabay isaga oo u ciyaaraya xulka qaranka Spain bishii November 2023, waxaana lagu sameeyey qalliin la sheegay in muddo toddoba illaa sagaal bilood ah kusoo laaban doono garoomada.
Xulka qaranka Spain ayaa ka saaray qorshahooda tartanka Euro 2024 ee bisha dambe ka furmaya waddanka Germany, sidoo kalena kooxdiisa ayaa waxa ay ku rafaadday sidii ay booskiisa u buuxin lahayd iyadoo xilli-ciyaareedkanna awoodi waayey in ay wax koobab ah ku guuleystaan.
Sida uu ku warramayo wariyaha wargeyska AS ee Javi Miguel, dhaawaca Gavi ayaa soo kabashadiisu ay gaabis noqotay marka loo eego sidii la filayey, waxaana hadda uu marayaa 50% markii la qiimeeyey sida ay lafihiisu isku qabsadeen.
Barcelona ayaan xisaabteeda kusoo darsan doonin Gavi illaa inta uu 100% taam u noqonayo, waxaana ay sugi doonaan illaa laga gaadhayo bisha November ama October, taas oo ka dhigan in uu ka maqnaan doono saddexda bilood ee ugu horreeya xilli-ciyaareedka dambe.
Horyaalka Spain ee LaLiga ayaa waxa uu bilaabmi doonaa bisha August, balse Gavi oo soo kabashadiisu ay noqonayso 12 bilood sida uu Javi Miguel sheegay ayaa waxa uu seegi doonaa saddexda bilood ee ugu horreeya xilli-ciyaareedka dambe, taas oo dhibaato weyn ku noqon doonta naadigiisa.