Xiddigaha horyaalka kubadda kolayga Maraykanka ee NBA-da ee Luka Doncic iyo Joel Embiid ayaa ka falceliyey guushii ay xalay Real Madrid ka gaadhay Bayern Munich ee ay ugu gudubtay finalka Champions League oo ay iska xaadirisay markii lixaad 11kii sannadood ee ugu dambeeyey.
Real Madrid oo lugtii hore ee semi-finalka ee Bayern Munich barbarro 2-2 ah kula soo gadhay garoonka Allianz Arena, ayaa waxa ay Arbacadii xalay 2-1 ku garaacday Munich oio marti ugu ahayd garoonka Santiago Bernabeu.
Munich oo gool la hormartay daqiiqaddii 68aad ayaa xajisan weyday waxaana laba gool oo daran-doorri ah ka dhaliyey Joselu daqiiqadihii 88aad iyo 90+1, halka goolka madiga ah ee Munich uu saxeexay Alphonso Davies.
Xiddiga kooxda Dallas Mavericks ee Luka Doncic oo hore ugu ciyaari jiray kooxda kubadda kolayga Real Madrid, ayaa bartiisa Instagram soo dhigay sawir uu kula jiro Joselu oo ahaa geesiga xalay goolasha u dhaliyey Real Madrid, waxaana qoraal uu soo dhigay uu ku muujiyey inuu la dabbaal-degayo Los Blancos.
Dhinaca kale, Joel Embiid oo u ciyaara kooxda Philadelphia 7ers, ayaa isaguna u badheedhay dabbaal-degga Real Madrid oo uu muujiyey inuu taageere u yahay, waxaana qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka uu ku yidhi: “HALA MADRID!!!!!!!! VAMOS”.
Joel Embiid oo lix jeer kusoo baxay kooxda xiddigaha sannadka ee NBA All-Star, ayaa waxa uu sannadkan yahay ciyaartoyga ugu fiican horyaalka NBA-da ee haysta abaal-marinta MVP, waxaana kubaddiisu ay sannadihii u dabeeyey samaynaysay korriin cajiib ah.