Xiddiga Bayern Munich Thomas Muller ayaa sheegay in Real Madrid ay mar walba caawinaad ka hesho garsoorka ka dib markii ay kooxdiisa guuldarro 2-1 ka soo gartay Real Madrid kulankii lugta labaad ee semi-finalka Champions League.
34 jirkaan ayaa si gaar ah u dhaleeceeyay go’aankii lagu diiday gool barbaro ahaa oo ay dhaliyeen dhamaadkii ciyaarta taasoo ka dhigi laheyd ciyaarta barbaro 2-2 ah.
Muller ayaa yiri: “Garsooraha ma uusan aadin dhanka VAR. Xitaa fursad uma helin inuu dib u daawado. Xaalada noocaan ah waa mid qariib ah, seerigana wuu ku degdegay.
“Waa go’aan cajiib ah. Caadiyan waxay inoo ogolaadaan inaan sedex mitir orodno ka hor inta aysan seeriga yeerinin. Ma garanayo wixii dhacay.”
Thomas Muller ayaa ka dib ku fogaaday dhaleeceyntiisa isagoo sheegay inay caado tahay in Madrid ay caawinaad ka helaan garsoorka.
“Nasiib xumo arintaan waxay mar walba ka dhacdaa Madrid. Aniga ayay igu dhacday 2017kii labadii gool ee Cristiano Ronaldo, laakiin markaas waxay aheyd VAR ka hor” ayuu yiri.
18kii April 2017kii, Real Madrid iyo Bayern Munich ayaa ku kulmay wareega 8da Champions League iyadoo Los Blancos ay 4-2 ku badisay, balse Bayern ayaa ku dooday in labo ka mid ah seddexdii gool ee Cristiano Ronaldo ay offside ahaayeen.