Calanwadaha ciyaarta ayaa la hadlay ciyaartoyda Bayern Munich durbadii la diiday goolkii ay dhaliyeen dhamaadkii ciyaartii Real Madrid sida uu sheegay tababare Thomas Tuchel.
Bayern Munich ayaa lagu reebay semi-finalka Champions League ka dib markii ay guuldarro 2-1 ah kala kulmeen Real Madrid oo marti loogu ahaa Bernabeu.
Alphonso Davies ayaa hogaanka u dhiibay Bayern Munich, laakiin Joselu ayaa ciyaarta dhanka kale u rogay isagoo labo gool dhaliyay dhamaadkii ciyaarta.
Bayern ayaa ka dib shabaqa soo taabtay laakiin garsoore Szymon Marciniak ayaa seeriga yeeriyay ka hor inta aysan kubada shabaqa taabanin isagoo dhigay offside.
VAR ayaan soo dhexgelin go’aanka garsooraha madaama ay aheyd go’aan cad uu qaatay calanwadaha iyo garsoorka dhexe.
Ku celiskii la daawaday ayaa muujinaya in go’aanka goolka lagu diiday uu ahaa mid muran badan dhalin kara iyadoo ciyaartoyda Bayern Munich ay si weyn uga caroodeen goolkii laga diiday.
Thomas Tuchel ayaa ciyaarta ka dib sheegay in calanwadaha uu raaligeliyay ciyartoyda Bayern Munich ka dib markii goolka la diiday.
Tuchel ayaa yiri: “Waxay aheyd go’aan musiibo ah uu gaaray calanwadaha, garsooraha wax qalad ah kuma lahan.
“Waxaan dareemeynaa in nala khiyaamay sababo la xiriira go’aankaas. Laakiin waa inaan u hambalyeeyno Real Madrid.
“Calanwadaha wuu ina raaligeliyay, laakiin taasi inama caawineyso. Inuu calanka taago isagoo aan hubin inay offside tahay waxay aheyd qalad, garsoorahana ma aheyn inuu seeriga ku degdego.
“Go’aan aad u xun ayay aheyd oo ka soo horjeeda sharuucda. Ma ahan mid la laqi karo, laakiin waa sida ay tahay.”