Paul Scholes ayaa aaminsan in seddexdii farood ee uu taagay Antony ka dib ciyaartii ay Crystal Palace xasuuqday Man United ay aheyd mid uu su’aal ka gelinayay taatikada Erik ten Hag.
Ka dib ciyaartii 4-0 lagu garaacay United, seddexda ciyaaryahan ee Antony, Andre Onana iyo Mason Mount ayaa wada sheekeysi ku qabsaday garoonka dhexdiisa.
Waxaa la arkayay Antony oo si xamaasadeysan u hadlaya islamarkaana seddex farood wax ku sharxaya. Haatan Paul Scholes oo Man United la qaaday labo Champions League iyo 11 Premier League ayaa sharaxay micnaha ka danbeyn kara faraha uu taagay xiddiga reer Brazil.
Scholes ayaa yiri: “Wuxuu u sheegayaa Mason Mount wax uusan ku faraxsaneyn, Mason Mount ayaa ah midka ugu aamusan seddexdooda.
“Maxayse taasi soo kordhineysaa, ma aanan arkin midkoodna iyagoo wadahadlaya intii ay ciyaarta socotay. Ma ahan muuqaal fiican. Ma ahan wax u fiican tababaraha.
“Marka uu Antony seddexda farood taagayo, malaha waxa uu leeyahay waxay aheyd inaan seddex khad dhexe ciyaarno, waa maxay sababta aan seddex khad dhexe u dheeli weynay?
“Ma garan karo, wax fekrad ah kama heysano sababtoo ah ma akhrin karno dibnihiisa. Laakiin sida iska cad dhibaato ayaa halkaas ka jirto, ciyaaroydana kuma raacsana taatikada tababaraha. Sida iska cad waxay ka soo horjeedaan waxa uu tababaraha sameynayo.”