Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu wargeliyey, in garoonkeeda tababarka oo ay waliba albaabadu u xidhan yihiin loogu keeni doono koobka horyaalka LaLiga ee ay ku guuleysteen, isla markaana aanay heli doonin fursad ay garoonka Santiago Bernabeu dhaxdiisa loogu guddoonsiiyo.
Subaxnimada Axadda, marka ay saacadda Madrid tahay 9.30 subaxnimo ayaa garoonka tababarka ee Valdebebas uu iman doonaa Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta waddanka Spain ee Pedro Rocha oo dhowaan xilka loo doortay, sidoo kalena madaxweynaha horyaalka Spain ee LaLiga ee Javier Tebias iyo masuuliyiin kale.
Waxa kale oo soo xaadiri doona Madaxweynaha Real Madrid ee Florentino Perez, tababare Carlo Ancelotti iyo ciyaartoyda kooxdaas, waxaana halkaas lagu guddoonsiin doonaa horyaalka ay ku guuleysteen.
Real Madrid ayaa dhinaceeda waxa ay go’aansatay, in maalinta Salaasada ee May 14 ay samaysato xaflad dabbaal-deg oo ay ku qabsanayaan garoonka Santiago Bernabeu oo mar kale ay masuuliyiinta horyaalku ugu iman doonaan oo ay ku guddoonsiin doonaan koobka ka hor inta aanay bilaabmin ciyaarta Alvaves.
Go’aanka horyaalka loogu guddoonsiinayo Real Madrid garoonka tababarka ee Valdebebas ayay dad badani saluugeen sababtoo ah waxa abuurmi doona subaxnimadaas iskusoo-baxyo keeni doona inay xidhmaan dariiqyada waaweyn ee magaalada oo ay samayn doonaan taageereyaasha Real Madrid.
Marka ay saacaddu tahay 11:00 subaxnimo ee maalinta Salaasada, ayay taageereyaasha Real Madrid iskugu soo bixi doonaan fagaaraha badhtamaha magaalada iyo garoonka Santiago Bernabeu oo ay dabbaal-degyo ku samayn doonaan.
Isniintii ayaa la sheegay in Sabtida la siin doono Real Madrid horyaalka ay ku guuleysatay, laakiin isbeddel ayaa lagu sameeyey go’aankaas maadaama ay Real Madrid marti u tahay Granada oo ay iman karayaan isku-dhac taageereyaasha ah, sidaas daraadeed ayaa loogu dhigay subaxnimada xigta, halka dabbaal-degyadooda garoonka gudihiisana ay la sugi doonaan Salaasada May 14 oo ay garoonkooda Santiago Bernabeu kula ciyaari doonaan Alaves.