Kulankii xalay ee ka dhacay Selhurst Park ee lagu jiidjiiday Manchester United waxaa laga diiwaangeliyay dhowr rikoodh oo ceeb weyn ku ah kooxda ugu guulaha badan horyaalka Premier League.
United ayaa guuldarro 3-0 kala kulantay Palace, waxayna soo bandhigeen mid ka mid ah qaab ciyaareedyadoodii ugu xumaa abid.
Hadaba rikoodhyadii ceebta ahaa ee loo diiwaangeliyay waxay kala yihiin:
Manchester United waxaa laga dhaliyay 81 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkan, waa goolashii ugu badnaa ee laga dhaliyo hal xilli ciyaareed iyagoo barbareeyay rikoodhkoodii hore ee sidoo kale 81 gool ahaa oo laga dhaliyay xilli ciyaareedkii 1976-77.
Guuldarada ka soo gaartay Crystal Palace waa guuldaradoodii 13aad ee xilli ciyaareedkan horyaalka Premier League, waa kulamadii ugu badnaa abid ee laga badiyo hal xilli ciyaareed oo Premier League ah.
Markii ugu horeysay taariikhda Manchester United, waxay shan jeer ku soo guuldareysteen magaalada London hal xilli ciyaareed gudaheed.
Sidoo kale waa markii ugu horeysay ee ay Crystal Palace minan iyo marti garaacdo Manchester United horyaalka Ingariiska.
Man United waxaa u hartay seddex kulan iyagoo la ciyaaraya Arsenal, Newcastle iyo Brighton oo ay xilli ciyaareedka Premier League ku soo xirayaan.
Waxay sidoo kale joogaan finalka FA Cup oo ay dhamaadka bishaan la ciyaarayaan kooxda Manchester City,