Roy Keane ayaa ku weeraray Erling Haaland jawaab celintii uu bixiyay ka dib bedelkii lagu sameeyay kulankii Wolves.
Xiddiga reer Norway ayaa dhaliyay afar gool ka hor inta aan la bedeli qeybtii labaad. Haaland ayaa u muuqday mid careysan markii uu fadhiyay kursiga keydka, iyadoo Pep Guardiola uu doortay inuu nasasiiyo xiddigaan madaama Man City ay ku dhow dahay inay horyaalka ku guuleysato.
Isagoo u hadlayay Sky Sports, Keane ayaa dib u soo cusbooneysiiyay dagaalka afka ah ee kala dhaxeeya Haaland, isagoo yiri: “Waxaan aragnay shalay Haaland oo la bedelayo islamarkaana aan ku faraxsaneyn, qaabkii uu u dhaqmayay waa sida nacas la koolkooliyay.
“Marka ay xurguf u dhaxeyso tababaraha iyo xiddiga kooxda, ma caawineyso natiijada kooxda. Laakiin madaama ay badiyeen islamarkaana uu goolal dhaliyay waa la iska ilaaway hab dhaqankiisa.
Wariyaha Sky Sports Jones ayaa weydiiyay Keane: “Waxba kuma jabna inuu yahay nacal la koolkooliyay mar haddii uu dhaliyay afar gool, miyaysan aheyn?”
Keane oo aan la dhicin hadalka Jones ayaa ku jawaabay: “Maya, maya sidaasi ma ahan.”
Roy Keane ayaa eegmo xun oo 10 ilbiriqsi socotay ku eegay wariyaha Sky Sports kaasoo markii danbe aamusnaanta ka baxay islamarkaana sheegay in wadahadalkaan ay u soo laaban doonaan, waxayna keentay in Daniel Sturridge oo istuudiyaha joogay uu qosol la dhaco.
Roy Keane ayaa xilli ciyaareedkan weerar joogta ah ku hayay Erling Haaland isagoo ku tilmaamay in ciyaartiisa guud ay sida ciyaaryahan heerka afaraad ah.