Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa ku guuleysatay horyaalka waddanka Spain ee LaLiga markeedii 36aad, kaddib markii ay Girona garaacday Barcelona oo ay hoos ugu ridday kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka LaLiga.
Carlo Ancelotti oo ay kooxdiisa Real Madrid galabta 3-0 ku karbaashtay Cadiz ayaa u baahnayd kaliya in laga badiyo ama la barbarreeyo Barcelona, waxaana riyadaas u rumaysay Girona oo 4-2 ku xasuuqday Barcelona, taas oo Girona ay iyaduna ku xasiiqisatay in markii ugu horreeyey taariikhdeeda ay usoo baxdo tartanka Champions League oo aanay waligeed kasoo qayb-gelin.
Real Madrid ayaa soo qaadatay xilli-cyaareed wanaagsan oo ay hore ugu soo guuleysteen tartanka Spanish Super Cup, sidoo kalena ay taagan yihiin semi-finalka Champions League oo ay lugta labaad garoonka Santiago Bernabeu kula ciyaari doonaan Bayern Munich oo ay lugtii hore barbarro lasoo galeen.
Horyaalka waddanka Spain oo ay ka hadhsan yihiin afar ciyaarood, ayaa waxa ay Real Madrid 13 dhibcood ka horreysaa kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Girona, waxaanay taasi ka dhigan tahay in aanay kooxna soo gaadhi karaynin xataa haddii laga badiyo dhamaan kulamada u hadhay.
Real Madrid uma dabbaal-degi doonto horyaalka ay caawa ku guuleysatay illaa laga gaadhayo toddobaadka dambe, sababtoo ah Carlo Ancelotti ayaa maalin ka hor sii sheegay in ay ka walaacsan yihiin in ay kaga mashquulaan ciyaarta Bayern Munich ee Arbacada.