Halyeeyga Liverpool Graeme Souness ayaa weerar ku qaaday Mohamed Salah isagoo sheegay inuu yahay ciyaaryahan naftiisa kaliya ka fekera, islamarkaana uu muuqbeelo kulamada adag.
Xiddiga shanaad ee Liverpool ugu goolasha badan abid ayaa loo arkaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican waayaha Premier League isagoo goolal badan dhalinaya xilli ciyaareedkii 7aad oo isku xigta.
Laakiin kabtankii hore ee Liverpool Souness ayaa su’aal ka keenay waxqabadka Mohamed Salah.
Souness ayaa yiri: “Waxaan aaminsanahay in Mohamed Salah uu ka tagayo Liverpool. Xiddig cajiib ah ayuu u ahaa Liverpool laakiin haddii uu ku biiro horyaalka Saudi Pro League wuxuu markaas noqon doonaa xiddiga ugu weyn ee dhankaas.
“Shaki kuma jiro inuu isku arko xiddig weyn oo aan la taaban karin, waxa uu ahaa mid ka careysan inaan lagu soo bilaabin kulankii West Ham ee todobaadkii hore. Waxaan aaminsanahay in dagaalkii uu la galay Jurgen Klopp inay aheyd mid uu kaga jawaab celinayay in kaliya la soo geliyay ciyaarta iyadoo 10 daqiiqo ay ka harsan tahay, waxa uu ahaa dagaal uu Salah bilaabay marka loo eego Klopp.
“Salah waa ciyaaryahan aan arko midkii ugu badnaa ee naftiisa kaliya ka fekera, mar kasta uu Klopp bedelo ma ahan mid ku faraxsan go’aankaas. Waana wax aad uga baahan tahay ciyaartoydaada, marka aad bixiso iyagoo labo gool dhaliyay waa inay u dagaalamaan inay sii joogaan oo ay dhaliyaan goolka seddexaad. Markii uu Sadio Mane joogay waxay ahaayeen kuwa mar walba isku dhacaya.”
“Marka ay xaalada xumaato oo ciyaaryahan uu isku dayo inuu xoog u sheegto, Salah wuu ka dhuuntaa ciyaarta” ayuu yiri Souness.
“Xilli ciyaareedkii la soo dhaafay kulankii Old Trafford waxaa xoog ku dayay Lisandro Martinez bilowgii ciyaarta, wixii markaas ka danbeeyay Salah waxa uu iska eegayay Martinez. Marnaba ma jecla inuu dhaawacmo.”