Pep Guardiola ayaa qirtay in Manchester City ay nasiib ku badisay isagoo sabab qariib ah u saariyay inay ka caawisay guushii ay ka gaareen kooxda Nottingham Forest oo marti loo ahaa.
Kulankii 300aad ee Pep Guardiola ee Premier League ayay City soo bandhigtay ciyaar ka hooseysa heerkii looga bartay, waxayna ku sigteen inay dhibco dhumiyaan haddii uusan ahaan laheyd Chris Wood oo labo fursadood oo goolal loo fishay qasaariyay.
Laakiin goolal ay labadii qeyb ee ciyaarta kala dhaliyeen Josko Gvardiol iyo Erling Haaland ayaa la micno ah in City ay hal dhibic ka danbeyso Arsenal iyadoo kulan uu u harsan yahay, laakiinse waxaa ka dhaawacmay goolhaye Ederson oo xaaladiisa aysan fiicneyn.
Tababaraha City ayaa yiri: “Nasiib ayaan laheyn oo garoonka wuxuu ahaa mid qalalan oo adag. Haddii xaalada garoonka ay fiicnaan laheyd markaas goolasha way naga dhalin lahaayeen.
“Wax ka qaldan ma jirto garoonka laakiin xaqiiqda ayaa ah in qaleylka garoonka uu ina caawiyay. Nasiib ayaan laheyn sababtoo ah fursadii ay nagu heleen, waa ay awoodi waayeen inay kubada si fiican u taabtaan sababtoo ah xaalada garoonka oo xumeyd. Kulankaan wuxuu ahaa halis- wuxuu ahaa mid qori tuur ah.”
City ayaa ku dhibtootay inay iska bixiso fursado waa weyn oo lagu helay, laakiin gool uu madaxa ku dhaliyay Gvardiol daqiiqadii 32aad ayay hogaanka ku qabteen.
Haaland oo kaliya labo gool ka dhaliyay horyaalka tan iyo 3dii bishii March ayaa kursiga keydka ka soo kacay isagoo dhaliyay goolkiisii 21aad ee xilli ciyaareedkan.