Roy Keane ayaa sheegay in Erling Haaland uu haatan u eg yahay ciyaaryahanka heerka laabad ah ka dib markii uu gool kula soo laabtay Manchester City.
Haaland oo dhaawac ku seegay labadii kulan ee ugu danbeysay ee Man City ayaa kursiga keydka ka soo kacay islamarkaana dhaliyay goolkii labaad ee ay City ku garaacday Nottingham Forest.
Khabiirka Sky Sports Roy Keane ayaa la xusuusiyay hadalkii ka soo yeeray bishii hore isagoo sheegay waqtigaas in Haaland uu u ciyaaro sida ciyaaryahan heerka afaraad ah kulankii ay barbaraha 0-0 la galeen Arsenal.
Waxa uu yiri: “Maanta wuxuu u ciyaaray sida ciyaaryahan heerka labaad ah, horumar badan ayuu sameeyay. Ma ahan dhanka gooldhalinta, aad ayuu ugu fiican yaahy taas – wuxuu kubada tabtay seddex ama afar jeer, wuxuuna ka leexsaday daafac.
“Cidna shaki ma gelineyso tayadiisa dhameystirka, aad ayuu ugu fiican yahay. Waxaan arkeynaa ciyaaryahanka kursiga keydka ka soo kacay oo ka careysan inuusan ku soo bilaabanin ciyaarta, wuxuuna doonayaa inuu saameyn ku yeesho ciyaarta.”
City ayaa hal dhibic ka danbeysa kooxda hogaanka heysa ee Arsenal oo 3-2 kaga badisay Tottenham, balse Manchester City waxaa u harsan hal kulan iyagoo marti u noqon doona kooxda Tottenham.
Kulamada soo socda ee u haray labada kooxood ayaa muhiim u noqon doona go’aansiga kooxda ku guuleysaneysa horyaalka Premier League.
Good finisher but not top talanted
Good finisher