Xiddiga reer Masar ee Mohamed Salah ayaa dagaal ku sagootiyey tababarihiisa sii baxaya ee Jurgen Klopp oo maanta garoonka dhaxdiisa lagaga qabqabtay isaga oo cadhaysan oo doonaya inuu la dagaallamo.
Mohamed Salah ayaa warbaahintu ay soo bandhigtay hadalladii cadhada lahaa ee uu ku yidhi tababare Jurgen Klopp, gaar ahaan amrkii uu kasoo baxayay garoonka ee ay ciyaartu dhamaatay.
31 jirkan oo kursiga kaydka kusoo bilowday ciyaartii West Ham ee maanta kaddib bandhig liitay oo uu sameeyey kulankii Everton, ayaa waxa markii uu garoonka kasii baxayay ee uu qolka labbiska sii gelayey uu yidhi: “Haddii aan hadlo maanta, holac ayaa shidmi doona.”
Dhinaca kale, tababare Jurgen Klopp oo warbaahinta la hadlay ciyaarta kaddib ayaa waxa uu sheegay, in aanu saxaafadda la wadaagaynin hadalladii ay is-weydaarsadeen Mohamed Salah, balse ay wixii dhacay kaga wada-hadleen qolka labbiska oo ay dhamaatay arrintaasi.
“Maya, idiinma sheegayo wixii aanu is-nidhi, laakiin waxa aanu mar horeba kaga wada-hadalnay qolka labbiska, waanay iiga dhan tahay aniga. Hadda arrintaasi way xidhan tahay.”
Halkan ka daawo sidii ay wax u dhaceen:
Salah kicking off at Klopp before coming on 😳
— Anfield Edition (@AnfieldEdition) April 27, 2024