Khariidadda dalalka sida aadka ah looga raadiyo magacyada kooxaha ee dunida oo dhan ayaa la shaaciyey, halkaas oo laga dheehday taageerada ay naadiyadu ku leeyihiin adduunyada iyo meelaha sida aadka ah looga daawado.
Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa si aad ah ay kooxahoodu uga dhax-muuqdaan, laakiin waxa jirta koox aan la gaadhi karaynin oo kusoo laban-laabmaysa kooxda kusoo xigta.
Kooxaha waaweyn ee Yurub ee sida Real Madrid, Barcelona, Inter Milan, AC Milan iyo Bayern Munich oo dhaqaale ahaan kula loollama naadiyada Premier League ayaa waxa ay ka mid noqdeen 13ka kooxood ee adduunyada loogu raadinta badan yahay magacyadooda dhinaca Internet-ka.
Sida la filan karayo Real Madrid ayaa kaalinta 1aad kaga jirta kooxaha loogu raadinta badan yahay kubadda, waxaana laga raadiyay 75 dal, halka Liverpool oo kusoo xigta laga raadiyey 34 dal, taas oo ka dhigan in ay Los Blancos kala-badh ka sarrayso.
Halkan kaga bogo kooxaha magacyadooda loogu raadinta badan yahay:
Real Madrid- 75 waddan
Liverpool FC- 34 waddan
Manchester United- 27 waddan
Manchester City- 20 waddan
Arsenal FC- 13 waddan
FC Barcelona- 8 waddan
Juventus- 3 waddan
Chelsea FC- 2 waddan
FC Porto- 2 waddan
Bayern München- 1 waddan
Rangers FC- 1 waddan
AC Milan- 1 waddan
SL Benfica- 1 waddan