Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa 4-0 ku xasuuqday Brighton and Hove Albion, waxaanay la wareegtay kaalinta labaad oo ay ka garbisay kooxda is-dhiibtay ee Liverpool halka ay kaabiga u saaran yihiin Arsenal oo hoggaanka haysa.
Manchester City ayaa qaybtii horeba xaqiijisatay in ay saddexda dhibcood qaadanayso kaddib saddex gool oo daran-doorri ahaa oo ay dhaliyeen, waxaana ay hal gool oo kale kusii xigsiiyeen qaybtii labaad.
Kevin de Bruyne ayaa gool qurux badan oo madax ahaa ku furay ciyaarta daqiiqaddii 17aad, markaas oo kubbad uu dhinaca midig kasoo dhigay Kyle Walker uu isku tuuray De Bruyne oo uu la helay madaxa, waxaana uu ku hubsaday shabaqa oo ka fogaa.
Goolkan ayaa noqday furaha guusha Manchester City iyadoo Brighton ahayd koox liidata oo kala-daadsan isla markaana lumisay sirtii ay kooxaha kaga adkaan jirtay.
Sagaal daqiiqadood kaddib ayaa uu Phil Foden ciyaarta ka dhigay 2-0, waxaana uu ka faa’iidaystay qalad ay sameeyeen difaaca Brighton oo goolkooda hortiisa iskugu dhiibay kubbado diciif ahaa oo laga boobay kaddibna uu Foden shabaqa ku hubsaday.
Ciyaarta ayaa waxa ay noqotay mid dhinac kaliya ka socota oo ay daadahaynayso Manchester City halka kooxda garoonkeeda joogtay ee Brighton ay la niyad-jabtay goolasha waqtiga hore laga dhaliyey.
Phil Foden ayaa mar kale kusoo noqday gool-dhalinta oo daqiiqaddii 34aad shabaqa taabsiiyey laad xor ah oo uu bannaanka kasoo toogtay, halkaas ayaanay qaybta horeba uu Pep Guardiola ku xaqiijistay in kaliya uu ka fikiri doono ciyaarta soo socota oo uu jeebadda ku shubtay dhibcaha kulankan.
Markii lagu soo noqday qaybta labaad ayay Manchester City sii wadday cadaadiska ay ku hayeen Brighton si ay u dhaliyaan goolal kale oo ay kusoo yareeyaan farqiga goolasha Arsenal oo ay ugu garaaci karaan horyaalka Premier League haddiiba ay dhacdo inay isku dhibco noqdaan.
Daqiiqaddii 62aad ayuu Julian Alvarez dhaliyey goolka afraad ee kooxdiisa Manchester City, waxaanu goolkani noqday midka ay Man City kusoo xidhatay ciyaarta.
Fursado kale oo badan ayay heleen ciyaartoyda Manchester City balse kama aanay faa’iidaysanin.
Natiijadan ayaa ka dhigan in Manchester City ay yeelatay 66 dhibcood oo ay kaalinta labaad kala baxday Liverpool oo haysata 64 dhibcood isla markaana laga badiyey usbuucan, halka Arsenal ay leedahay 67 dhibcood, balse Manchester City ayaa haysata ciyaar baaqi u ah oo ay laba dhibcood ku dhaafi karayso Arsenal.