Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa xaqiijisay tababaraheeda xilli-ciyaareedka dambe hoggaamin doona, waana macallinkoodii hore u shaaciyey in uu ka tegayo kooxdaas ee Xavi Hernandez.
Tababaraha reer Spain ayaa bishii January ku dhawaaqay inuu ka tegi doono shaqada Barcelona marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, waqtigaas oo naadigiisa ay iskugu xig-xigeen guul-darrooyin dhawr ahaa oo middii ugu dambaysay ay ahayd guul-darro ay Villarreal ugu xambaarisay garoonkeeda.
Toddobaadyadii ugu dambeeyey ayaa la isla dhax marayey in Xavi uu ka noqonayo go’aankiisii hore oo uu sii joogi doono sababtoo ah bandhiggii fiicnaa ee ay kooxdiisu samaysay laga soo bilaabo bishii February oo ay toban ciyaarood oo isku xigay ay guul-darro la’aan ahaayeen.
Sida uu xaqiijiyey wariyaha ciyaaraha ee Fernando Polo, Xavi Hernandez ayaa ogolaaday in uu sii ahaado tababaraha Barcelona ee xilli-ciyaareedka dambe, isla markaana uu dhamaysto qandaraaskiisa oo soconaya illaa sannadka 2025.
Idaacadda RAC1 ayaa iyaduna sheegtay in Joan Laporta iyo Deco ay kulan qaatay laba saacadood la yeesheen Xavi Hernandez, waxaana kulankaas goob-joog ka ahaa Bojan Krkic oo hore ugu ciyaari jiray Barcelona oo uu kulliyadeeda kasoo baxay, waxaanay ku heshiiyeen in uu Xavi sii joogo kooxda.