Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa loo sheegay afar ciyaartoy oo ay u baahan tahay inay la saxeexato si ay horyaalka LaLiga ugula tartami karto kooxda uu xafiiltanka badan ka dhexeeyo ee Real Madrid taas oo sannadihii u dambeeyey muujinaysay in ay awooddeedu sii kordhayso, halka Barcelona ay hoos usii socoto.
Barcelona oo ka dhisan gobolka Catalonia ayaa xilli-ciyaareedkan uu dhamaanayaa iyadoo aan wax koob ah ku guuleysanin, halka Real Madrid ay ku guuleysatay Spanish Supercup, horyaalka ay qarka u saaran yihiin oo ay dhibco badan ku qaadi doonaan iyo Champions League oo ay usoo gudbeen semi-finalka oo ay la ciyaari doonaan Bayern Munich.
Warbaahinta Spain ayaa sheegaysa, in Barcelona ay ku jirto xaalad dhaqaale oo adag, taasina ku adkayn doonto inay samayso saxeexyo waaweyn, laakiin taas beddelkeeda ay ogolaan doonaan inay iibiyaan saddexda ciyaartoy ee Frenkie de Jong iyo Ronald Araujo oo ay lacago badan ka samayn karayaan iyo weeraryahanka reer Poland ee Robert Lewandowski.
Halka Barcelona ay ku jirto hubanti la’aan dhinaca suuqa ah oo ay xaddidan tahay awooddeeda dhaqaale, Real Madrid waxa ay urursatay xiddigo waaweyn oo mustaqbalka ah sida Jude Bellingham, Vinicius Junior, Rodrygo iyo labada ciyaartoy ee ay sugayaan ee Kylian Mbappe iyo Endrick.
Afar ciyaartoy ayaa loo tilmaamay Barcelona inay la saxeexato si ay ula loollami karto Real Madrid sannadaha soo socda, waxaana laacibka koowaad uu yahay weeraryahanka Newcastle United iyo xulka Sweden ee Alexander Isak, halka difaaca midig ee Joao Cancelo ay tahay inay ku faro adaygaan oo aanay dib ugu celinin Man City oo ay amaah kaga soo qaateen xagaagii.
Labada ciyaartoy ee reer Spain ee Alejandro Grimaldo oo u dheela Bayer Leverkusen iyo Dani Olmo oo kasoo baxay kulliyadda Barcelona ayaa iyagana loo sheegay Joan Laporta in uu la saxeexdo haddii uu doonayo in kooxdiisu ay awood ahaan gaadho Real Madrid.