Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa la xidhiidhay tababare la sheegay inay u doorteen in uu noqdo beddelka Erik ten Hag oo la sheegay in go’aankii ugu dambeeyey ay maamulka kooxdiisu ka gaadhay xalay markii ay ku dhibaatoodeen kulankii semi-finalka FA Cup ee Coventry City.
Tababarahan 54 jirka ah ayay kooxdiisu 3-0 ku hoggaaminaysay ciyaarta markii ay 20-daqiiqadood ka hadhsanaayeen, laakiin ciyaarta ayaa noqotay barbarro sabab u noqday in lagu daro waqti dheeraad ah iyo waliba in la isla gaadho rikoodheyaal uu nasiibku saaciday Manchester United.
Sir Jim Ratcliffe iyo masuuliyiintii kale ee Manchester United ee goob-joogga ka ahaa ciyaartan, ayaa la sheegay in ay muujiyeen quus isla markaana isla qaateen in aanu Erik ten Hag kooxda sii maamuli karaynin isla markaana wax guul ah u horseedi karaynin.
Manchester United oo kaalinta toddobaad kaga jirta horyaalka Premier League, ayaa waxa lala xidhiidhinayaa tababareyaal dhawr ah, sida Zinedine Zidane oo magaciisa aad loo hadal-hayo, Thomas Tuchel oo ah tababaraha Bayern Munich ay caydhinayso, Gareth Southgate oo ah macallinka xulka England iyo tababarihii ay Chelsea eriday ee Graham Potter.
Sida uu sheegay wargeyska Kicker ee kasoo baxa waddanka Germany, Sir Jim Ratcliffe ayaa xidhiidh toos ah la sameeyey tababaraha Bayern Munich ee Thomas Tuchel oo uu ka doorbidayo Zinedine Zidane.
Tuchel oo sannadkii 2021 ka caawiyey Chelsea inay ku guuleysato tartanka Champions League ayaa si lama filaan ah shaqada looga caydhiyey September 2022 markii uu naadiga la wareegay Todd Boehly oo ay isku afgaran waayeen sida loo maamulayo kooxda.
Bayern Munich oo uu Thomas Tuchel la wareegay March 2023 ayaa waxa laba bilood ka hor ku dhawaaqday in ay go’aansatay in Tuchel ay shaqada ka erido marka uu dhamaado xilli-ciyaareedkan socda, waxaana marka uu dhamaado xilli-ciyaareedku uu noqon doonaa xor.