Roy Keane ayaa ka soo horjeestay hadalkii Harry Maguire ee ahaa in Man United ay soo bandhigtay dabeecad wanaagsan kulankii ay ka badiyeen kooxda heerka labaad ee Coventry City.
Kooxdiisa hore ee Red Devils ayaa si ciriiri ah uga badbaaday guuldarro ceeb weyn ku noqon laheyd iyagoo rigoore uga badiyay kooxda heerka labaad, waxayna haatan finalka FA Cup ku balansan yihiin Manchester City.
Roy Keane oo ciyaarta u falanqeynayay ITV ayaa weerar ku qaaday kooxdiisa hore gaar ahaan markii uu dhageystay wareysi uu bixiyay Harry Maguire oo amaanay qaab ciyaareedka Red Devils iyo dhabar adeygii ay muujiyeen kulankii ay la ciyaareen kooxda heerka labaad.
Keane ayaa yiri: “Isbuuc walba sheeko isku mid ah oo Man United ah ayaan ka hadalnaa, ma garaneysid waxa aad ka heleysid United.
“Waxa kaliya ee ay sameeyaan waa inay waqtiyo kooban kubad ciyaaraan. Fursado badan ayaa lagu helaa iyaga.
“Mar walba waxay u baahan yihiin inuu nasiibka caawiyo. Maguire waxa uu yiri waxay soo bandhigeen dabci wanaagsan oo dhabar adeyg ah, dabcigaas kama arko ciyaartoydaan.
“Waxaan arkayaa goolhayaha oo waqti dhuminaya, si ay ciyaarta u dhamaato. Soo bandhiga geesinimo.
“Waxaa la gaarayaa haatan heer aan naco ciyaartoydaan. Waxaan arkaa ciyaartoy dhaqan xun, waxay ahaayeen kuwa ka baqaya inay ciyaarta badiyaan.
“Waqtigii dheeriga ahaa Coventry waxay u muuqatay kooxda Premier League halka Manchester United ay u muuqatay kooxda heerka labaad.”