Dheemanka Real Madrid ee Endrick oo la sugayo in xagaaga uu soo gaadho kooxdiisa cusub ayaa waxa uu qalinka ku duugay heshiis jacayl oo uu u saxeexay gacalisadiisa ay isku cindan yihiin, kaas oo hadal-hayn badan ka abuuray warbaahinta.
Endrick oo ay da’diisu tahay 17 jir oo waqti horeba muujiyey in uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu wanaagsan ee da’diisa, ayaa waxa Los Blancos ay heshiiska lasii saxeexatay December 2022, waxaana uu soo gaadhi doonaa Madrid marka ay da’diisu noqoto 18 jir oo ah horraanta bisha July ee soo socota.
Real Madrid waxa ay kasoo bixisay Endrick lacag dhan €60 milyan oo Euro, balse waxa uu bishii hore gool u dhaliyey xulkiisa Brazil oo ay garoonka Wembley kaga badiyeen xulka England, sidoo kalena waxa uu saddex maalmood kaddib gool ka dhaliyey Spain.
Sida ay warbaahinta waddanka Brazil sheegayso, Endrick waxa uu saaxiib la yahay gabadh ay da’deedu tahay 20 jir oo lagu magacaabo Gabriely Miranda, taas oo waraysi uu dhowaan bixiyey uu ku sheegay inay ku wada jiraan heshiis xidhiidh oo ay ku cad yihiin ‘qodobbo lagu bruburin karayo’.
Waraysigan oo uu baahiyey telefishanka CazeTV ayaa waxa uu Endrick ku yidhi: “Mar kasta oo aanu iska soo horbaxno, waa in aanu isku nidhaahno ‘Waan ku jecelahay’ xaalad kasta oo aanu ku jirno.”
Waxa kale oo uu Endrick sheegay in aanu jeclayn in uu cabbo waxyaabaha alkoholka ah, sidoo kalena marka uu dibedda u baxayo ee uu alaabooyin soo iibsanayo ay raacaan hooyadii iyo aabbihii.”