Tababare Pep Guardiola ayaa warbaahinta la hadlay ka dib markii ay Manchester City 5-1 ku xasuuqday kooxda Luton.
Tababaraha reer Catalan ayaa lix bedel ku sameeyay shaxdiisii kulankii Bernabeu ee Talaadadii hore oo ay ku jiraan Rodri iyo Stones oo aan daqiiqad xitaa dheelin kulankii shalay ee Luton.
Si kastaba, tababaraha ayaa ka hadlay qaar ka mid ah xiddigaha shakiga laga qabo inay ciyaaraan lugta labaad ee wareega sideeda Champions League ee Real Madrid.
Pep Guardiola ayaa la weydiiyay haddii Rodri uu ku faraxsanaa in la nasasiiyo kulankii Luton, wuxuuna ku jawaabay:
“Haa, gabi ahaanba wuu ku faraxsanaa. Sidoo kale wuxuu nasan doonaa kulanka Arbacada ee Real Madrid. Ma i aamineysaan miyaa?” ayuu ku kaftamay Guardiola.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay xaalada Nathan Ake iyo Kyle Walker: “Waxay rabeen inay keyd galaan, waxaana u sheegay waa okay, keyd waad geli kartaan.”
Guardiola ayaa bedelay kala bar kooxdiisa marka loo eego shaxdii Bernabeu. Grealish, Rodri, Bernando Silva, Foden iyo Stones ayaa la nasasiiyay. Ortega ayaa sidoo kale kursiga keydka galay madaama uu soo laabtay Ederson kaasoo dheeli doona kulanka Real Madrid.