Jamie Redknapp ayaa googooyay Casemiro ka dib markii xiddiga khadka dhexe ee Man United uu qaab ciyaareed liita soo bandhigay kulankii ay xalay barbaraha 2-2 la galeen kooxda AFC Bournemouth.
Casemiro ayaa ka mid ahaa xiddigaha kooxda Ten Hag ee qaab ciyaareed liita ku soo bandhigay garoonka Vitality.
32 jirkaan ayaa inta badan dhaleeceyn kala kulma qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkan, taasoo keentay in su’aalo laga keeno haddii uu xiddigaan taam buuxda yahay ka dib dhowr jeer oo ay dhaawacyo soo gaareen.
Hoos u dhac weyn ayaa soo wajahay ka dib wacdarro uu dhigay sannadkiisii ugu horeysay ee kooxda, waxaana la filayaa inuu kooxda ka tago xagaagan ka dib isbedelada uu Sir Jim Ratcliffe ku sameynayo Old Trafford.
Ciyaarta ka dib, khabiirka Sky Sports Jamie Redknapp ayaa si xun u weeraray Casemiro isagoo sheegay inuu u ciyaaray sida inuu dheelayo kulan Soccer Aid ah oo ah kulan tabarucaad ah oo lacag loogu uruuriyo UNICEF.
“Dhowr jeer aan oo daawaday Casemiro maanta… sannado badan ayaana daawanayay. Wuxuu ka mid ah burburiyayaasha khadka dhexe ee aan ugu jeclahay. Waan jeclaa inaan daawado ciyaartiisa.” ayuu Redknapp u sheegay Sky Sports.
“Laakiin waqti xaadirkaan, marka aan daawado wuxuu u muuqdaa mid ciyaaraya Soccer Aid. Waxa uu u muuqdaa qaabka uu u ordayo inuu ciyaar baashaal ah dheelayo oo dad caan ah ay garoonka soo galayaan. Maya, tani waa Premier League.
“Khibrad badan ayaad leedahay. Laakiin orod xitaa lagama hayo. Waxaan is weydiiyaa muxuu Rodri sameyn lahaa haddii uu xaaladiisa ku jiri lahaa.
“Isagoo duulaya ayuu garoonka geli lahaa si uu u caawiyo asxaabtiisa, sidaas ayayna aheyd inuu sameeyo. Ma garanayo sababta uusan u sameyneynin.”