Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa shaacisay go’aan ka cadhaysiiyey taageereyaasheeda oo hore loosii ogaa isla markaana jamaahiirtu ka codsadeen maamulka in la joojiyo dhaqan-gelintiisa.
Jamaahiirta Liverpool ayaa hore garoonka kooxdooda ugu soo bandhigtay in ay qaadatay go’aan ah inay kordhiso tigidhka daawashada ee lagu soo galo garoonka Anfield, kaas oo ay gadood ka muujiyeen jamaahiirta kooxdu.
Maamulka Liverpool ayaa maanta oo Sabti ah la kulmay boodhka taageereyaasha, waxaanay ku wargeliyeen in aanay marnaba kooxdu ka laaban dooni go’aanka ay ku kordhiyeen tigidhka daawashada ciyaaraha qiime dhan 2%.
Sababta ayay kooxdu ku sheegtay in ay tahay in ay waxyaabo badan isbeddeleen sidaas daraadeedna ay lagama maarmaan tahay in la kordhiyo qiimaha, laakiin waxa arrintani ay keentay gadood.
Ciyaarta Axadda ee Crystal Palace ayaa la filayaa in taageereyaashu ay ku muujiyaan mudaharaad ay kaga soo horjeedaan tallaabada ay qaadday kooxdoodu, hase yeeshee war-saxaafadeed ay soo saartay kooxdu ayaa lagu sheegay in aan laga noqon doonin go’aankan.