Jurgen Klopp ayaa qirtay in kooxdiisa Liverpool ay isku dhex yaacday iyagoo guuldarro 3-0 kala kulmaty kooxda Atalanta lugta hore ee wareega 8da Europa League.
Tababaraha ayaa ku qasaaray qamaarkii uu ciyaaray isagoo lix bedel ku sameeyay shaxdiisa.
Klopp ayay amakaak ku noqotay sida kooxdiisa ay u kala daadatay iyagoo haatan u baahan mucjiso lugta labaad haddii ay u soo baxayaan semi-finalka.
“Si fiican ayaan ciyaarta ku bilaabanay, laakiin ma aanan sii wadin. Ka hor inta aysan gool naga dhalinin ayaanba isku dhex yaacnay.
“Meel walba waan joognay, meelna ma aanan joogin. Khadka dhexe sidaas ayuu ahaa, midig ilaa bidix.
“Waan aqoonsan waayay kooxda, waxay aheyd wax qariib ah sida aan u dheelnay.”
Klopp ayaa difaacay go’aankii uu ku nasasiiyay ciyaartoyda qaar isagoo sheegay inuu ku qasban yahay inuu bedelo sameeyo inta ka harsan xilli ciyaareedkan.
“Su’aasha waa mid aan fahmayo boqolkiiba boqol. Dabcan marka aan guuldareysano, waxaa laga hadlaa bedelada aan sameynay. Laakiin mid ka mid ah sababaha aan mar kale sidaan u sameyn doono ayaa ah inaan u baahanahay bedelada haddii aan dooneyno inaan fiicnaano inta ka harsan xilli ciyaareedka.”
Wuxuu rajo ka muujiyay in kooxdiisa ay soo laabasho sameyn karto kulanka lugta labaad, isagoo sheegay in ciyaartii xalay uu dib u daawan doono Isniinta ka dib kulanka Crystal Palace.