Goolhayihii hore ee kooxda kubadda cagta Manchester United iyo xulka qaranka Maraykanka ee Tim Howard ayaa sharraxay hal arrin oo Arsenal ka hor istaagi doonta inay ku guuleysato horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League,
Tim Howard ayaa waxa uu ku dooday in Arsenal aanay haysanin fursad u wanaagsan sida Liverpool oo kale sidaas daraadeedna ay u badan tahay in kooxda tababare Jurgen Klopp ay ku guuleysato horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan.
Arsenal oo ay ugu dambaysay horyaalka oo ay ku guuleysato sannadkii 20024, ayaa waxa ay bandhig heersare ah ka samaynayaa Premier League iyagoo 11kii ciyaarood ee ugu dambeeyey badiyey 10 ka mid ah iyo ciyaarta kale oo ay barbarro goolal la’aan ahaa la galeen Man City.
Tim Howard oo ka hadlayey telefishanka NBC Sports ayaa la weydiiyey kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League xilli-ciyaareedkan, waxaanu ku jawaabay: “Aad ayay u adag tahay in aad koox doorato, laakiin Arsenal waxa kusoo aaddan kulamo aad u adag.
“Anigu hore waxa aan horyaalka ugu saadaalinayey Arsenal, laakiin waxay ila tahay in Liverpool ay hadda ku guuleysan doonto.”
Si kastaba ha ahaatee, Tim Howard waxa si lama filaan ah aanu xisaabtiisa ugu soo darin Manchester City oo markii horena uu ka booday, haddana uu mar kale ka booday hadal-qaadkeeda.