Tababaraha kooxda kubadda cagta Manchester United ee Erik ten Hag ayaa u yeedhay ciyaartoy 19 jir ah oo aan laga filaynin kulanka adag ee Liverpool ay ku qaabbilayaan garoonka Old Trafford, kaas oo ay duruuftu ku kallifta inuu kusoo darsado safkiisa.
Erik ten Hag ayaa waxa uu liiskiisa kusoo darsaday laacibka da’da yar ee Omari Forsan oo saddex kulan oo kaliya oo Premier Leauge ah u saftay Manchester United xilli-ciyaareedkan socda, laakiin waxa aan la hubin inuu kusoo bilaabayo, kaydka dhigayo amaba uu daqiiqadaha ugu dambeeya ka saari doono liiskiisa.
Sida uu xaqiijiyey wargeyska Manchester Evening News, Forsan ayaa waxa uu si rasmi ah uga mid yahay ciyaartoyda Manchester United ee kulanka Liverpool ee goordho.
Laacibkan ayaa shan kulan oo dhamaan tartamada ah oo saddex ka mid ah ay horyaalka Premier League yihiin uu ciyaarsiiyey Erik ten Hag, waxaana kulankiisii koowaad uu ahaa bishii January oo FA Cup la safay, halka bishii xigtayna uu kasoo muuqday ciyaartii Wolves ee horyaalka Premier League.
Laakiin xasuusta uu laacibkani ku leeyahay jamaahiirta Manchester United ayaa ah caawintii uu sameeyey ciyaartii Wolves uu Kobbie Mainoo dhamaadkii goolka guusha dhaliyey, waxaana kubaddaas usoo dhiibay Mainoo oo isagna si xarrago leh u dhaliyey.
Waxa kale oo uu daqiiqado kasoo muuqday ciyaartii Fulham ee horyaalka Premier League, halka kulankii Manchester Derby ee bishii March uu kaydka fadhiyey.
Garabkan weerarka ayaa Manchester United ay kala soo wareegtay Tottenham sannadkii 2019 isaga oo waqtigaas ay da’diisu ahayd 14 jir, waxaana uu sidoo kale loogu yeedhay xulka qaranka England ee da’yarta.
Erik ten Hag ayaa go’aansaday in Omari Forsan uu ka mid noqdo safkiisa maadaama ay dhaawacyo la dhibaatoonayaan Casemiro, Jonny Evans iyo Raphael Varane oo inkasta oo ay kooxda kusoo laabteen ay jugo kasoo gaadheen kulankii Chelsea.