Kooxda kubadda cagta Bayern Munich ayaa shaacisay go’aan ay ka qaadatay tababare Thomas Tuchel kaddib guul-darradii maanta ee Heidelheim oo 3-2 ku garaacday isla markaana sabab u noqotay in 16 dhibcood oo nadiif ay Bayer Leverkusen ku qabato hoggaanka.
Bayern Munich oo Salaasada la ciyaaraysa Arsenal lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, ayaa waxa si weyn la isku weydiinayey waxa ay yeeli doonto kaddib guul-darradii maanta, waxaase warka caddeeyey maamulka kooxda.
Munich ayaa ku adkaysatay in aanay wax isbeddel ah samayn doonin ka hor kulanka Arsenal ee lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League, isla markaana uu Thomas Tuchel sii ahaan doono macallinkooda inkasta oo hore loogu wargeliyey in dhamaadka xilli-ciyaareedka shaqada laga caydhinayo.
Guul-darradii labaad ayay u ahayd Bayern Munich maanta, waxaana usbuucii hore 2-0 kaga badisay Borussia Dortmund oo waliba marti u ahayd.
Max Eberl oo ah agaasimaha ciyaaraha Bayern Munich oo mardhoweyd la hadlay warbaahinta ayaa la weydiiyey haddii ay Tuchel caydhin doonaan kahor kulanka Arsenal, waxaanu ku jawaabay: “Maya, anigu ma hayo fikirkaas, mar walba waxa jiri doonta dhibaato tababarenimo.”
Si kastaba ha ahaatee, Bayern Munich ayaa hadda isku diyaarin doonta safarka ay ciyaartoydeedu ku tegi doonaan magaalada London oo ay garoonka Emirates Stadium marti ugu noqon doonaan Arsenal, halka lugta labaadn ay garoonka Allianz Stadium ka dhici doonto toddobaadka dambe.