Weeraryahanka reer France ee Karim Benzema ayaa eedaymo u jeediyey ciyaartoyda kooxdiisa Al-Ittihad ee hroyaalka waddanka Sucuudiga, waxaana uu u sheegay in iyagu ay sabab u yihiin hoos u dhaca ku yimid naadigaas xilli-ciyaareedkan.
Karim Benzema ayaa u wareegistiisa horyaalka Sucuudigu aanu noqonin sidii uu ka filayey, waxaana soo gaadhay dhaawacyo, khilaaf sookala dhax-galay tababarihiisii hore iyo hoos u dhac ciyaareed.
Xiddigan ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or 2022, ayaa waxa la wariyey in aanu ku qanacsanayn sii joogista kooxdiisa, iyadoo ciyaartoyda kooxdaasna ay qaarkood isku dhacsan yihiin.
Waraysi uu bixiyey ayaa lagu weydiiyey sababta keentay inuu hoos uga dhacoi heerkii lagu yaqaanay waqtigii uu joogay Real Madrid, waxaanu ku jawaabay: “Sababtu waa in aanay ciyaartu isku mid ahayn (horyaalka), ciyaartoyduna isku mid ma aha.
“Waxa loo baahan yahay in runta la sheego. Waxa aan u baahanahay in aan helo ciyaartooyo i caawinaya, anigu kaliday guul ma keeni karayo, waxa aan u baahanahay waxyaabo badan.”
Benzema oo xagaagii u wareegay Al Ittihad markii uu ku wargeliyey naadigiisii Real Madrid in uu doonayo inuu iska tago iyadoo uu sannad ka hadhsan yahay qandaraaskiisa, ayaa waxa ay Al-Ittihad ku mioobeen N’Golo Kante oo Chelsea ka yimid, Fabinho oo Liverpool ay kala soo wareegeen, Luiz Felipe oo u dheeli jiray Real Betis iyo Jota oo Celtic uga soo wareegay, laakiin waxa ay haddana ku jiraan kaalinta afraad iyagoo 30 dhibcood ka dambeeya Al Hilal oo hoggaanka haysa.
36 jirkan oo sannadkii mushahar u qaata lacag dhan £171.7 milyan oo Gini ayaa la weydiiyey haddii uu dib ugu soo laaban doono Yurub, waxaanu ku jawaabay: “Waynu arki doonaa haddii aan dib ugu laabanayo, laakiin waxa ugu muhiimsan waa waqtigan la joogo, markaa waynu arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka.”