Paris St-Germain ayaa dooneysa inay bixiso 111.5 milyan ginni ee lagu burburin karo qandaraaska Victor Osimhen si ay ula soo saxiixato weeraryahanka reer Nigeria kooxda Napoli xagaagan. (Corriere dello Sport)
Chelsea ayaa suuqa ka raadineysa weeraryahan kale oo aan aheyn Osimhen, iyadoo xiddiga Girona iyo xulka Ukraine ee Artem Dovbyk, oo 26 jir ah uu diirada u saaran yahay kooxda. (GiveMeSport)
Manchester United ayaa qorsheyneysa xilli ciyaareedka soo socda in Erik ten Hag uu sii ahaado tababaraha kooxda madaama aysan jirin tababarayaal badan oo xiiseynaya shaqada kooxda. (I news)
Manchester City ayaa ogolaatay heshiis ay kula soo saxiixaneyso xiddiga 19ka garabka ka ciyaara ee kooxda Troyes oo lagu magacaabo Savio, kaasoo amaah ku jooga Girona. (Insider Football)
Lacagta ay Man United dul dhigtay Jadon Sancho ee gaareysa 34 milyan ginni ayaa meesha ka saari karta riyadii 24 jirkaan uu ku doonayay inuu hishiiskiisa amaahda ee Borussia Dortmund uu uga dhigo mid joogta ah. (Sky Sport Germany)
Tababaraha diirada u saaran Liverpool ee Ruben Amorim, oo 39 jir ah, ayaa qirtay “inuusan dammaanad qaadi karin” inuu weli sii ahaan doono tababaraha Sporting Lisbon xilli ciyaareedka soo socda. (ESPN)
Amorim ayaa hishiiskiisa kooxda Sportimg waxaa xagaagan lagu burburin karaa 12.8 milyan ginni. (The Sun)
Chelsea ayaan tixgelin doonin dalabyada u imaanaya daafaca midig ee Ingariiska Reece James, oo 24 jir ah, xagaagan inkastoo ay jiraan warar sheegaya in 24 jirkaan uu u dhaqaaqayo PSG ama Real Madrid. (Insider Football)
Eddie Howe ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay inuu Bruno Guimaraes ku sii hayo Newcastle “illaa inta uu awoodo” iyadoo Newcastle ay isku diyaarineyso inay dalab ka hesho PSG oo xiiseyneysa 26 jirkaan. (Mirror)
Manchester City ayaa diyaar u ah inay lacag badan qasaarto si ay isaga iibiyaan xagaagan xiddiga khadka dhexe ee Ingariiska Kalvin Phillips oo 28 sanno jir ah. (Insider Football)
Tottenham ayaa miisaamaysa saxiixa xiddiga khadka dhexe ee Leicester City Kiernan Dewsbury-Hall, oo 25 jir ah, kaasoo lagu iibsan karo 25 milyan ginni haddii Leicester ay ku guuldareysato inay dib ugu soo laabato Premier League. (Talksport)
Weeraryahanka aan la rabin ee Barcelona Ansu Fati kuma soo laaban doono Brighton xilli ciyaareedka soo socda – laakiin Wolves, Sevilla iyo Valencia ayaa dhamaantood ka fiirsanaya inay amaah ugu dhaqaaqaan weeraryahanka reer Spain. (Sport)
Daafaca dambeedka midig ee Manchester City iyo Portugal Joao Cancelo, oo 29 jir ah, ayaa kaliya doonaya inuu u ciyaaro Barcelona xilli ciyaareedka soo socda inkastoo ay xiiseynayaan kooxo kale. (Sport)