Xiddigihii hore ee Liverpool Danny Murphy ayaa sheegay in Cole Palmer uu haatan yahay ciyaaryahan ka dhameystiran kana fiican Bukayo Saka, isagoo sharaxaad ka bixiyay farqiga labada ciyaaryahan.
Palmer ayaa dhaliyay goolashiisii 14aad, 15aad iyo 16aad ee xilli ciyaareedka habeenkii Khamiista iyadoo Blues ay 4-3 kaga badisay Manchester United oo marti ku aheyd Stamford Bridge.
Wacdaraha Palmer ee xilli ciyaareedkan ayaa ka dhigeysa inuu tartan xoogan ugu jiro inuu qeyb ka noqdo xulka England ee ka qeybgalaya tartanka Qaramada Yurub ee Euro 2024.
Murphy ayaa u sheegay talkSPORT in 21 jirkaan uu ka ciyaarayo heer aad uga sareeya xiddiga ay ku xafiiltamayaan garabka midig ee Bukayo Saka.
“Aad ayaan u jeclahay Palmer, wuxuu heystaa sannado badan oo uu ku noqon karo xiddig weyn” ayuu yiri xiddigii hore ee khadka dhexe.
“Palmer waa ciyaaryahanka ugu fiican Chelsea. Cid ku soo dhow xitaa ma jirto.
“Haddii ay noqdaan koox u tartameysa koobab sannadka ama labada sannadood ee soo socota wuu sii joogi doonaa kooxda sababtoo ah waa xiddigooda ugu weyn. Isbuuc walba waa uu ka fiicnaan doonaa sida uu hadda yahay.
“Waxa uu dhaliyay goolal badan inta uu Bukayo Saka dhaliyay. Saka waa ciyaaryahan cajiib ah, waan jeclahay. Waa xiddig garabka midig ah. Palmer isna halkaas ayuu ka dhelayaa inkastoo uu No.10 yahay.
“Laakiin marka aad qiimeyso ciyaartiisa guud waxaad ku doodi kartaa inuu ka fiican yahay Saka. Ma dhahayo Palmer waa xiddig garab midig oo ka fiican Saka.
Laakiin awoodiisa guud ee kubadeed gaar ahaan baasaskiisa, boos qaadashadiisa, kubad raacashadiisa, sababtoo ah Saka doorkaas ma ciyaaro, mana ahan isbarbardhig cadaalad ah.”