Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa la ciyaarayaa kulamadii 31aad toddobaadkan, waxaanay imanayaan ciyaarahani iyadoo ay Liverpool hoggaanka ku hayso 70 dhibcood, halka Arsenal iyo Manchester City ay kala leeyihiin 68 dhibcood iyo 67 dhibcood, sida ay u kala horreeyaan.
Usbuuca 31aad oo ka dhigan in marka uu soo dhamaado ay kaliya hadhsanaanayaan min toddoba ciyaarood oo u qaybsanaanaya bilaha April iyo May oo uu horyaalku kusoo xidhmayo, ayaa waxa ballansan kooxo waaweyn.
Kooxda hoggaanka haysa ee Liverpool ayaa tegi doonta Old Trafford oo bishii hore ay guul-darro 4-3 ah kagala soo kulantay Manchester United oo ka reebtay tartanka FA Cup oo marayey wareegga siddeedda, halka Arsenal ay marayso imtixaan aan fududayn oo ay marti u noqon doonto Brighton & Hove Albion.
Khabiirka BBC Sports ee Chris Sutton oo saadaaliyey kulamada usbuucan ayaa waxa uu sheegay in Liverpool ay sii haysan doonto hoggaanka horyaalka oo ay saddex dhibcood kasoo xoogi doonto Manchester United, taas oo haddii ay rumowdo ka dhignaan doonta in Manchester United ay laba guul-darro oo xidhiidh ah diiwaanka gashan doonto, sababtoo ah waxa Khamiistii 4-3 kaga adkaatay Chelsea.
Sidoo kale, Arsenal iyo Manchester City ayaa iyaguna guulo soo gaadhi doona, waxaana farqiga dhibcuhu uu ahaan doonaa inta uu hadda yahay ee saddexda dhibcood ay kala soocaan saddexda kooxood ee ugu sarreeya.
Halkan kaga bogo saadaasha Chris Sutton ee kulamada 31aad
Sabti
Crystal Palace 0-2 Manchester City
Aston Villa 2-1 Brentford
Everton 2-0 Burnley
Fulham 2-1 Newcastle
Luton 1-1 Bournemouth
Wolves 1-1 West Ham
Brighton 1-2 Arsenal
Axad
Manchester United 1-3 Liverpool
Sheffield United 1-2 Chelsea
Tottenham 4-1 Nottingham Forest