Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League ayaa shaaciyey jadwalka iyo waqtiga kulmada horyaalka ee horraanta bisha dambe ee May, waxaana ku jira ciyaartii aadka loo sugayey ee kooxaha isku magaalada ah ee muddada la sugayey in la muddeeyo.
Usbuuca ugu dambeeya bishan April ayaa waxa kulamo xaasaasi ay sugayaan kooxaha Chelsea oo safar ugu tegaysa Aston Villa halka Tottenham ay marti gelin doonto Arsenal, iyadoo si weyn indhaha loogu haynayo kulankan dambe ee saamaynta ku yeelanaya tartanka figta sare ee ay Gunners ku dagaallamayso iyo kaalinta afraad oo ay Spurs halgan ugu jirto.
Waxa kale oo Premier League uu muddeeyey ciyaarta adag ee hore u baaqatay ee London derby ee Chelsea iyo Tottenham oo ay ahayd in la dheelo bishii February laakiin dib loogu dhigay finalkii Carabao Cup ee Chelsea iyo Liverpool.
Maalinta Khamiista ee May 2, ayaa Chelsea iyo Arsenal ay foodda isku dari doonaan fiidnimada kula ka dhici doona Stamford Bridge oo uu baahintiisa iska leeyahay telefishanka Sky Sports, waxaana labadan kooxood ay sidaas kula sinmi doonaan naadiyada kale ee aanay ciyaaruhu baaqiga u ahayn.
Waxa markaas kaddib ay inudhuhu u jeedsan doonaan Sabtida ay taariikhdu tahay May 4, waxaana la fiirsan doonaa Arsenal iyo Bournemouth oo garoonka Emirates Stadium ku dheeli doona, halka Manchester City ay martigelin doonto Wolves.
Maalinta xigta ee Axadda ee May 5, 2024, Liverpool ayaa garoonkeeda Anfield ku qaabbili doonta Tottenham, halka Chelsea ay isla maalintaas la dheeli doonto West Ham.
Waa kuwan kulamada usbuuca koowaad ee bisha May ee Premier League
Khamiis 2 May 2024
21:30 Chelsea v Spurs (Sky Sports)
Friday 3 May 2024
22::00 Luton v Everton (Sky Sports)
Saturday 4 May 2024
14:30 Arsenal v Bournemouth (TNT Sports)
19:30 Man City v Wolves (Sky Sports)
Sunday 5 May 2024
16:00 Chelsea v West Ham
16:30 Liverpool v Spurs (Sky Sports)
Monday 6 May 2024
22:00 Crystal Palace v Man Utd (Sky Sports)