Dhamaan ciyaartoyda Man United ayaa lagu dhaleeceeyay inay hurdo galeen markii Cole Palmer uu dhalinayay goolka guusha waqtigii dhimashada ciyaarta.
Xiddiga taageeri jiray Man United ee Palmer ayaa rigoore ku barbareeyay Man United daqiiqadii 100aad isago ciyaarta ka dhigay 3-3.
82 ilbiriqsi ka dib, waxa uu dhaliyay goolka guusha isagoo baas gaaban oo koorno ah helay ka hor inta uusan darbo goolka ku tooganin iyadoo kubada ay ku dhacday Scott McTominay ka hor inta aysan shabaqa ku nasasanin.
Wuxuu goolkaas ruxay garoonka Stamford Bridge, iyadoo ay si waali ah u dabaaldegeen taageerayaasha, ciyaartoyda iyo shaqaalaha kooxda.
Laakiin qof walba oo xiriir la leh Manchester United hadalkii ayaa ku xirmay iyagoo aamini waayay waxa dhacay labo daqiiqo gudaheed.
Halyeeyga kooxda Rio Ferdinand iyo taageerayaasha kooxda ayaa si xun ugu cambaareeyay ciyaartoyda goolkii guusha ee ka dhashay daqiiqadii 101aad.
Enzo Fernandez ayaa kubad koorno aheyd u baasay Palmer kaasoo heystay boos weyn oo uu ku dhaqaaqo geeska xerada goolka.
Ma jirin hal ciyaaryahan oo Man United ah oo 10 mitir xitaa u jiray xiddiga Chelsea.
Bruno Fernandes iyo Mason Mount ayaa la arkayay iyagoo farta ku fiiqaya Palmer ka hor inta uusan baaska helin laakiin midkoodna iskuma xilsaarin inuu xirto weeraryahanka Ingariiska.
Ka dib waxaa la arkayay Kobbie Mainoo oo gacmaha sinta saartay halka Marcus Rashford uu eegayay jiho qaldan.
Mason Mount ayaa isku dayay inuu xirto Palmer laakiin waxay aheyd xilli xeero iyo fandhaal ay kala dhaceen.
McTominay ayaa damcay inuu wadada u galo kubada laakiin waxa uu kubada ku sii saxay shabaqa halka ciyaartoyda kale ay indhaha ka daawadayaal ka ahaayeen sida ay wax u dhacayeen.
Ferdinand ayaa yiri: “Palmer ma aheyn inuu halkaas gaaro oo uu firaaqadaas helo haddii aad tahay xirfadle. Waxay tani ii sheegeysaa in kooxda ay dhibaato ku qabto inay wax diirada saaraan.”
Taageerayaasha Man United ayaa iyagana carradooda ku soo bandhigay baraha bulshada, mid ayaa soo qoray: “Inaad seexato iyadoo koorno la soo tuurayo, waxay ciyaartaan ku shubeen qashinka. Wax la cafin karo ma ahan.”
Mid kale ayaa yiri: “Goolka guusha Chelsea ayaa wax walba soo koobeysa. Koorno ay meel halis ah ku heleen iyo ciyaartoyda oo dhan oo iska hurdo. Waa ceeb sidaan.,”
Mid seddexaad ayaa yiri: “Kala bar kooxda waxay farta ku fiiqayaan Palmer, hadana midkood ma raacanayo waa wax lagu qoslo.”